Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo heshiis dhex dhigay beelo ku dagaalamay qeybo ka mid ah gobolka Mudug

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo heshiis dhex dhigay beelo ku dagaalamay qeybo ka mid ah gobolka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka General C/Casiis C/laahi Cabdi “Qooje”   oo ay weheliyaan  Saraakiisha  qaybta ayaa  ku guulestay in heshiis horudhac ay dhax dhigaan beelo walaalo ah oo wada daga Deegaanka Laas-Gacameey oo 15-Km ujira Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Ugu horeeyn Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka  ayaa sheegay in ay si buuxda ugu guuleysteen in la xaliyo Coladii ka taagneyd degaanka Laas-Gacameey, islamarkaana go’aan lagu gaaray in ciddii  heshiiska baal marta tilaabo laga qaadi doono.

Related posts

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

January 22, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026

Shirkaan nabadeeynta ah ayaa halkaasi oo socday muddo Lix cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Odayaasha dhaqanka dhinacyadii Colaadu dhex martay, Taliyaha qeybta 21-aad  ee  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Generaal C/Casiis Cabdulaahi Qooje iyo Saraakiil kale.

Gabagabadii kulankii Odayaasha dhaqanka iyo Taliska Qaybta 21-aad aad  ee  Ciidanka Xoogga Dalka ayaa  lagu  go’aamiyay  in laga gudbo muranadii jiray ku waasi oo ragaadinaya nabada iyo horumarka degaanka  iyo howlgalada Ciidamadu ay isku diyaarinayeen in ay ku wajahaan deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan Gobolka Mudug.

Previous Post

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo kormeeray xarunta loo asteeyay wacyigalinta Covid-19

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

January 22, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 22 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar,...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In