Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay degaanno dhawaan laga saaray Al-Shabaab oo kaabiga ku haya degmada Jamaame waxaana ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga degaanaadaas.
Taliyaha Ururka 56-aad Guutada 11-aad, qeybta 43-aad oo markii uu howlgalka soo gabagaboobay la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo dadka dhibaato ba’an ku hayay, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyay in howlgalka uu sii socon doono inta laga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.
Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo argagixisada mararka qaar si dhuumaaleysi u yimaadaan