Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab gaar ahaan Ururka 5-aad ee guutada 16-aad, ayaa howlgallo ka fuliyay degaano hoos yimaado degaanka Beer Xaani oo dhaca Galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaasi oo lagu dilay xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab.
Ciidamada oo si gaar ah howlgalkan kaga fuliyay degaanka Wayaanta ayaa halkaasi ku dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta , una qaabilsinaa aruurinta Xoolaha baadda ah.
Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in intii ay socdeen howlgalada Ciidamada ay khasaara gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii halkaasi ku dhuumaleeysanayay.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dagaallada gobalada dalka looga cirib tiraayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee Al-Shabaab.