Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka hortagay malleeshiyaadka khawaarijta oo isku dayay in ay weerar gaadma ah kusoo qaadaan magaalada Masagawaay ee Gobalka Galgaduud, waxaana halkaasi lagu dilay tiro badan oo ka mid maleeshiyaadka rgagixisada.
Weerarka khawaarijta ayaa yimid xilli Ciidamada xoogga Dalka ay ka warqabeen weerarka una diyaar garoobeen, ayagoo halkaasi dharaaaxsho lama Illaawaan ah ku gaarsiiyay kooxda naf la caariga ah.
Ciidanka xoogga dalka ayaa sii baacsanaya mallesshiyaadka firxadka ah, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.