Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaan ee qeybta ka ah dib u xoreeynta ayaa la wareegay degaanka Cowsweeyne ee gobolka Galguduud.
Malleeshiyaadka kooxda Khawaariijta ah ayaa isaga cararay degaanka kadib markii ay ka war heleen howlgalka ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan aaggaas.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa hadda degaanka ka wada baaritaanno lagu xaqiijinayo amaanka degaankaas laga xoreeyay argagixisada.