Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo magaalada Marka ku soo bandhigay horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Abaanduullaha Ciidanka Xoogga oo kormeer shaqo ku tegay difaacyada Ciidanka ku sugan magaalada Marko “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgalo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha Magaaladda Marko ee Xarunta gobolka Sh/Hoose waxay kusoo qabteen Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ka tirsan Kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Howlgalkaasi,  ayaa waxaa lagu soo qabtay in ka badan 32 maleeshiyaad iyo horjogayaal isugu jira, kuwaasi oo dhammaantood qirtay kamid ahaanshaha Nabad diidka, Waxaana qaarkood Ciidanka Xoogga ay soo qabteen iyaggoo ku hoolan falal amniga lidi ku ah.

Goobta lagu soo bandhigay maleyshiyaadka iyo horjogayaasha lasoo qabtay, ayaa waxaa ku sugnaa Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage  oo ay wehliyaan xubno ka socday xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Abaandullaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed,  ayaa sheegay in Maleeshiyada argagixisada ka tirsan ee lasoo qabtay ay qirteen kamid ahaanshaha Kooxda Alshabaab, waxaana uu xusay in dhowaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida lasoo taagayo.

Ragga lasoo qabtay, ayaa waxaa ku jira Horjooge sare oo Argagixisada Alshabaab u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaaladda Marko, kaasi oo lagu magacaabo Horjooge C/casiis Jamaal, waxaana uu qirtay inuu ka dambeeyey dilal badan oo loo geeystay dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Previous Post

Wafi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Next Post

Al-Shabaab oo Godane ugu baroordiiqday weerarka Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka

Next Post
Al-Shabaab oo Godane ugu baroordiiqday weerarka Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka

Al-Shabaab oo Godane ugu baroordiiqday weerarka Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In