Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay Tuulooyinka Shaam-garre iyo Raqayle oo u dhexeeya Degmada Awdheegle iyo Degaanka Bariire, oo ka tirsan gobalka Shabeellaha hoose.
Intii uu howlgalka socday ayay Ciidamada waxay halkaas ku dileen Sagaal kamid ah maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al-shabaab, halka 13-kalana laga dhaawacay, Ciidamada ayaa sidokale burburiyay Godadkii ay halkaas ka qoteen.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waqti kasta u taagan howlgalada Lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-shabaab oo ah Cadaw utaagan waxyelleeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool degaanada ay ku dhuumaleeysanayaan.