Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciraaq oo sheegtay in ay dhex-dhexaadineyso Khaliijka iyo Iiraan

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Ciraaq oo sheegtay in ay dhex-dhexaadineyso Khaliijka iyo Iiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Ciraaq ayaa ku casuuntay Iiraan iyo dalalka Khaliijka Carabta oo ay Dehraan kala dhexeyso xurgufta siyaasadeed shir madaxeedka ka dhacaya magaalada Baqdaad, iyadoo ujeedadu tahay qaboojinta xiisadaha soo dhaweeyey colaad furan sanadihii la soo dhaafay.

Saraakiisha Ciraaq ayaa sheegay in kulankan sidoo kale looga hadli doono dagaalka Yemen, burburka Lubnaan iyo xiisadda biyaha ee gobolka, isla markaana shirkan uu sahli karo isu soo dhawaashaha Sacuudiga iyo Iiraan.

Related posts

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026

Xiisadaha u dhexeeya muddada dheer Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa sii xumaaday kadib weerarkii 2019 ee lagu qaaday warshadaha saliidda ee Sucuudiga kaas oo muddo kooban kala jaray wax soo saarka saliidda Sucuudiga.

Xukuumadda Riyaad ayaa ku eedeysay Iiraan inay ka dambeysay weerarkan, laakiin eedeynta Dehraan ayaa beenisay.

Illaa iyo hadda Kuwait ayaa ah dowladda keliya ee Khaliijka ee xaqiijisay ka qaybgalka shirkan, iyada oo shaacisay in direyso Ra’iisul Wasaaraheeda.

Masar iyo Urdun oo labaduba xulufo la ah boqortooyooyinka Khaliijka Carabta, ayaa lagu casuumay kulanka Baqdaad oo sidoo kale ay imaanayaan madaxweynaha Turkiga iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Horraantii bishaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan Al Sacuud ayaa sheegay in si dhiirran Iiraan ay si xun ula dhaqmeyso arrimaha Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan Yaman, Lubnaan iyo biyaha gobolka.

Previous Post

Banaanbax looga soo horjeeday argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Gaalkacyo

Next Post

Wasiir Beyle oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Next Post
Wasiir Beyle oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiir Beyle oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In