Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciraaq oo sheegtay in ay dhex-dhexaadineyso Khaliijka iyo Iiraan

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Ciraaq oo sheegtay in ay dhex-dhexaadineyso Khaliijka iyo Iiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Ciraaq ayaa ku casuuntay Iiraan iyo dalalka Khaliijka Carabta oo ay Dehraan kala dhexeyso xurgufta siyaasadeed shir madaxeedka ka dhacaya magaalada Baqdaad, iyadoo ujeedadu tahay qaboojinta xiisadaha soo dhaweeyey colaad furan sanadihii la soo dhaafay.

Saraakiisha Ciraaq ayaa sheegay in kulankan sidoo kale looga hadli doono dagaalka Yemen, burburka Lubnaan iyo xiisadda biyaha ee gobolka, isla markaana shirkan uu sahli karo isu soo dhawaashaha Sacuudiga iyo Iiraan.

Related posts

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026

Xiisadaha u dhexeeya muddada dheer Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa sii xumaaday kadib weerarkii 2019 ee lagu qaaday warshadaha saliidda ee Sucuudiga kaas oo muddo kooban kala jaray wax soo saarka saliidda Sucuudiga.

Xukuumadda Riyaad ayaa ku eedeysay Iiraan inay ka dambeysay weerarkan, laakiin eedeynta Dehraan ayaa beenisay.

Illaa iyo hadda Kuwait ayaa ah dowladda keliya ee Khaliijka ee xaqiijisay ka qaybgalka shirkan, iyada oo shaacisay in direyso Ra’iisul Wasaaraheeda.

Masar iyo Urdun oo labaduba xulufo la ah boqortooyooyinka Khaliijka Carabta, ayaa lagu casuumay kulanka Baqdaad oo sidoo kale ay imaanayaan madaxweynaha Turkiga iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Horraantii bishaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan Al Sacuud ayaa sheegay in si dhiirran Iiraan ay si xun ula dhaqmeyso arrimaha Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan Yaman, Lubnaan iyo biyaha gobolka.

Previous Post

Banaanbax looga soo horjeeday argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Gaalkacyo

Next Post

Wasiir Beyle oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Next Post
Wasiir Beyle oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiir Beyle oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In