Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cisbitaalka Tacliimiga ah ee Jaamacadda Banaadir oo maanta xariga laga jaray (SAWIRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Cisbitaalka Tacliimiga ah ee Jaamacadda Banaadir oo maanta xariga laga jaray (SAWIRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ay ka qeyb galeen maamulka Jaamacadda Banaadir, dhaqaatiir, arday, xildhibaano iyo masuuliyiin kale, xarigana looga jarayey Isbitaalka tacliimiga ah ee leedahay Jaamacadaas ayaa maanta lagu qabtay degaanka KM-13 ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Isbitaalka oo ka kooban sideed qeybood oo dhisan iyo afar qeybood oo dhismahooda dhawaan la dhameystiri doono, waxaana uun sheegay xildhibaan Dufle in xilligan laga bilaabo uu shaqa bilaabay isbitaalka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

โ€œSi rasmi ah ayuu u furan yahay Isbitaalkaan Jaamacada Banaadir. Waxaan rajeynayaa inuu noqdo mid ay ka faaโ€™iideystaan Soomaalida dhan, gaar ahaan dhaqaatiirta mustaqbalka, umulusooyinka mustaqbalka oo wax ku baranayaโ€ ayuu yiri Dufle.

Dr. Cabdullahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti) gudoomiyaha Muโ€™asasada jaamacada Banaadir oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay bahda jaamacada Banaadir u tahay maalin weyn oo taariikhi ah.

โ€œMaanta waa maalin weyn. Waa maalin ay rumowday riyo aan wadnay 12 sano. Maanta waxa aan furnay Isbitaalkii Jaamacada oo aan ka hirgelinnay degaankaan KM13 Maanta farxad meeshii u dambeysay oo ah inaan ooyo ayey iga mareysaaโ€ ayuu yiri Dr. Bushkuleeti.

Waxa uu raaciyay: โ€œIsbitaalkaan dhismihiisa waxaa lasoo bilaabay sanadkii 2007-dii inkastoo howshiisu hakatay, hasa yeeshee waxaan dib u bilaawday horaantii sanadkii hore inaga soo gebagebeynay shalay oo December ay aheyd 31, sanadka 2014. Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir maanta ayey dhameystirantayโ€.

Dr. Cabdullahi Sheekh Xuseenย  waxa uu sheegay in isbitaalkan dhismihiisa aysan jirin cid ka baxsan Muโ€™asasada oo gacan ka geysatay hadii ay ahaan laheyd dowlada iyo heyโ€™ado gaar ah, wuxuuna xusay inuu u shaqeyn doono ummada Soomaaliyeed.

Isbitaalka ayaa waxaa qeybaha ugu muhiimsan kamid ah qeybaha wax lagu qalo, qeybta umilinta iyo qeybta jiifka hooyada uurka leh iyo caruurta, waxaana dhaqaatiirtii ka hadlay badankood ay sheegeen in looga maarmi doono in dibada loo aado baahi caafimaad.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna ka hadlay Munaasabadan ayaa sheegay in waqti, feker iyo maalba ay ku bixiyeen sidii isbitaalkaani uu ku hir-geli lahaa, waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay in isbitaalka ay fariisan karaan qeybihiisa kala duwan 30 dhaqtar oo maalintii qaabili kara 500 oo bukaan socoto ah iyada oo sariiraha isbitaalka ay yihiin 220 xabo.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas hadalo hambalyo u badnaa ka soo jeediyey gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf iyo aqoonyahano kale oo maamulka jaamacada Banaadir ku amaanay dedaalka hagar laโ€™aanta ah ee ay muujiyeen, iyagoo ku booriyey iney sii xoojiyaan.

Jaamacada Banaadir oo 12 sano jirsatay ayaa intii ay jirtay waxa ay ku talaabsatay horumaro kala duwan, waxaana maanta intii ay munaasabadu socotay loo duceeyay Dr. Shahiid oo ka mid ahaa asaasayaashii Jaamacada kaasoo dhowr sano ka hor ku geeriyooday qaraxii ka dhacay hotel Shamo ee magaalada Muqdisho.

benadir-thosp-1 benadir-thosp-2 benadir-thosp-3 benadir-thosp-4 benadir-thosp-5 benadir-thosp-6 benadir-thosp-7 benadir-thosp-8 benadir-thosp-9 benadir-thosp-10 benadir-thosp-11

Previous Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay xaaladda ciidanka XDS (Dhageyso+Sawirro)

Next Post

Dowladda Federaalka waxey ka digeysaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in cudurka Ebola calaamadihiisa lagu arkay Soomaaliya

Next Post
Dowladda Federaalka waxey ka digeysaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in cudurka Ebola calaamadihiisa lagu arkay Soomaaliya

Dowladda Federaalka waxey ka digeysaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in cudurka Ebola calaamadihiisa lagu arkay Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In