Sunday, May 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cisbitaalka Tacliimiga ah ee Jaamacadda Banaadir oo maanta xariga laga jaray (SAWIRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Cisbitaalka Tacliimiga ah ee Jaamacadda Banaadir oo maanta xariga laga jaray (SAWIRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ay ka qeyb galeen maamulka Jaamacadda Banaadir, dhaqaatiir, arday, xildhibaano iyo masuuliyiin kale, xarigana looga jarayey Isbitaalka tacliimiga ah ee leedahay Jaamacadaas ayaa maanta lagu qabtay degaanka KM-13 ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Isbitaalka oo ka kooban sideed qeybood oo dhisan iyo afar qeybood oo dhismahooda dhawaan la dhameystiri doono, waxaana uun sheegay xildhibaan Dufle in xilligan laga bilaabo uu shaqa bilaabay isbitaalka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026

“Si rasmi ah ayuu u furan yahay Isbitaalkaan Jaamacada Banaadir. Waxaan rajeynayaa inuu noqdo mid ay ka faa’iideystaan Soomaalida dhan, gaar ahaan dhaqaatiirta mustaqbalka, umulusooyinka mustaqbalka oo wax ku baranaya” ayuu yiri Dufle.

Dr. Cabdullahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti) gudoomiyaha Mu’asasada jaamacada Banaadir oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay bahda jaamacada Banaadir u tahay maalin weyn oo taariikhi ah.

“Maanta waa maalin weyn. Waa maalin ay rumowday riyo aan wadnay 12 sano. Maanta waxa aan furnay Isbitaalkii Jaamacada oo aan ka hirgelinnay degaankaan KM13 Maanta farxad meeshii u dambeysay oo ah inaan ooyo ayey iga mareysaa” ayuu yiri Dr. Bushkuleeti.

Waxa uu raaciyay: “Isbitaalkaan dhismihiisa waxaa lasoo bilaabay sanadkii 2007-dii inkastoo howshiisu hakatay, hasa yeeshee waxaan dib u bilaawday horaantii sanadkii hore inaga soo gebagebeynay shalay oo December ay aheyd 31, sanadka 2014. Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir maanta ayey dhameystirantay”.

Dr. Cabdullahi Sheekh Xuseen  waxa uu sheegay in isbitaalkan dhismihiisa aysan jirin cid ka baxsan Mu’asasada oo gacan ka geysatay hadii ay ahaan laheyd dowlada iyo hey’ado gaar ah, wuxuuna xusay inuu u shaqeyn doono ummada Soomaaliyeed.

Isbitaalka ayaa waxaa qeybaha ugu muhiimsan kamid ah qeybaha wax lagu qalo, qeybta umilinta iyo qeybta jiifka hooyada uurka leh iyo caruurta, waxaana dhaqaatiirtii ka hadlay badankood ay sheegeen in looga maarmi doono in dibada loo aado baahi caafimaad.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna ka hadlay Munaasabadan ayaa sheegay in waqti, feker iyo maalba ay ku bixiyeen sidii isbitaalkaani uu ku hir-geli lahaa, waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay in isbitaalka ay fariisan karaan qeybihiisa kala duwan 30 dhaqtar oo maalintii qaabili kara 500 oo bukaan socoto ah iyada oo sariiraha isbitaalka ay yihiin 220 xabo.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas hadalo hambalyo u badnaa ka soo jeediyey gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf iyo aqoonyahano kale oo maamulka jaamacada Banaadir ku amaanay dedaalka hagar la’aanta ah ee ay muujiyeen, iyagoo ku booriyey iney sii xoojiyaan.

Jaamacada Banaadir oo 12 sano jirsatay ayaa intii ay jirtay waxa ay ku talaabsatay horumaro kala duwan, waxaana maanta intii ay munaasabadu socotay loo duceeyay Dr. Shahiid oo ka mid ahaa asaasayaashii Jaamacada kaasoo dhowr sano ka hor ku geeriyooday qaraxii ka dhacay hotel Shamo ee magaalada Muqdisho.

benadir-thosp-1 benadir-thosp-2 benadir-thosp-3 benadir-thosp-4 benadir-thosp-5 benadir-thosp-6 benadir-thosp-7 benadir-thosp-8 benadir-thosp-9 benadir-thosp-10 benadir-thosp-11

Previous Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay xaaladda ciidanka XDS (Dhageyso+Sawirro)

Next Post

Dowladda Federaalka waxey ka digeysaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in cudurka Ebola calaamadihiisa lagu arkay Soomaaliya

Next Post
Dowladda Federaalka waxey ka digeysaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in cudurka Ebola calaamadihiisa lagu arkay Soomaaliya

Dowladda Federaalka waxey ka digeysaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in cudurka Ebola calaamadihiisa lagu arkay Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa ka qeybgalay Madasha...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar muhiim ah u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO(DIINSOOR):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In