Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciyaaraha xagaaga oo ah ciyaaro sanadwalba xiliyadan oo kale lagu qabto magaalada Columbus-Ohio ee dalkan Mareykanka waxaa sanadkii 16 aad ka soo qeybgalay 16 kooxood oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka iyo Canada.

Kumanaan Soomaali ah ayaa soo buux dhaafiyay goobta ay ciyaaruhu ka socodeen.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Maamulka soo abaabulay Ciyaarahan  ayaa sheegay ujeedadu in ay tahay raadinta jiilal Soomaaliyeed oo maskax ahaan iyo jir ahaan ka dhisan iyo dhalinyarada laga mashquuliyo wax aan waqtigooda ku haboonayn.

Ciyaarahan oo si isku dhex jir ah u soconayay  ayaa waxaa afar dhamaanka (Semi  Final)  ayaa waxaa isku soo haaray  afar naadiyada   oo kala ah Twin city star, Kooxda Seattle, , TMT  Ohio iyo Tigers.

Kooxahan oo soo bandhigay ciyaar wanaag ayaa waxaa kama dambeytii isugu soo haray TMT Ohio iyo Kooxda Seattle waxaana jawiga ciyaartu ay ahayd mid xamaasad badan oo qeylo iyo sacab isugu jiray.

Guushii koobka waxaa la hoyday kooxdii ka socotay Seattle Washington oo heshay lix gool halka kooxta TMT Ohio ay heleen 2 gool oo qura. Koobkii xagaaga ee sanadka 2016ka waxaa sidaa kula hoyday kooxda seattle.

Kooxaha Caruurta waxaa isugu soo haray 2 kooxood oo ka kala socday gobolada Ohio iyo Maine waxaana Koobka caruurta ku guulaystay Kooxdii ka socotay Ohio kadib markii ay ku soo baxeen rigoorayaal loo kala dhigay.

Waxaa la bixiyay Koobab iyo bilado la gudoonsinayay dadka ugu fiicnaa xili ciyaareedka 2016 ka.

Ciyaartooyga ugu gool dhalinta badan ayaa loo aqoonsaday  Cabdiwali Zegler oo 11 gool dhaliyay kana socda kooxda Seattle.

Ciyaaryahanka ugu fiican ayaa loo aqoonsaday Dooli oo ka Tirsam TMT Ohio. Tababaraha ugu fiican ayaa loo aqoonsaday Macalin Cabdilaahi Xirsi oo ka yimid gobolka Maine.

Goolhaya ugu fiican ayaa la siiyay Ciyaaryahan aad u yar oo ka tirsan ciyaartoodya 14 jirada ee kooxda Ohio kaas oo lagu magacaabo, Chino.

Ciyaartooydii cuslaatay waxaa  qaaday kooxda Washington. Waxaa abaal marin la siiyay Kooxda Utaanga oo lagu tilmaamay kooxda kaliya oo isku duubni iyo taageero Sports leh mudo dheer.

Kooxda TMT Ohio ayaa la gudoonsiiyay bilado halka Kooxda Seattle ay qaateen koobkii sanadka 2016.

IMG_9411 IMG_4394 IMG_9355 IMG_4383 IMG_9353 IMG_4369 IMG_4422 IMG_4363 IMG_4403 IMG_4361 IMG_4331 IMG_4340 IMG_4347 IMG_4350 IMG_4355 IMG_4328 IMG_4323 IMG_4315 IMG_4311 IMG_4310 IMG_4236 IMG_4241 IMG_4287 IMG_4299 IMG_4307

IMG_3239 IMG_3212 IMG_3187 IMG_3147 IMG_3127 IMG_3634 IMG_3615 IMG_3587 IMG_3557 IMG_3316 IMG_3770 IMG_3777 IMG_3894 IMG_3925 IMG_3893 IMG_3884 IMG_3843 IMG_4004 IMG_4040 IMG_4106 IMG_4125 IMG_4021 IMG_4032

W/D: Deeqo Sonna

Previous Post

Galmudug oo ku dhawaaqday in dagaalkii firxadkii Al-Shabaab la soo afjaray

Next Post

Ra’iisul Wasaare Cumar “Waxaad hurteen naftiina qaaliga ah, waan idiin kaga mahad-celinayaa”-Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Cumar “Waxaad hurteen naftiina qaaliga ah, waan idiin kaga mahad-celinayaa”-Sawirro

Ra’iisul Wasaare Cumar “Waxaad hurteen naftiina qaaliga ah, waan idiin kaga mahad-celinayaa”-Sawirro

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In