Cayaaro isugu jiray kubada cagta iyoย xarig jiid oo lagu maamuusaye 15 bisha May oo ku asteysan maalinta dhaliyarada Soomaliyed ayaa maanta lagu qabtay garoonka kubadda koleyga ee Aadan Xaaji Yabarow โwishโ EX Luujiyo ee degmamada C/casiis.
Tartan cayaareedkaasi oo dhexmaray xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka ayaa waxaa u soo daawasho tagay masโuuliyin ka tirsan dowladda iyo dadweyne aad u farabadan.
Cayaarta kubadda cagta ay ku soo dhamaatay 4-2 oo guusha ay ku raacday xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo cayaartaasi ka qey galay.
Dhinaca kale markii ay soo geba gebowday cayaartii kubadda cagta ee lagu maamuusyaay 15 may maalinta dhalanyarada Soomaaliyeedย ayaa waxaa bilaabatay cayaartii xarig jiidka ahayd, taasoo dhexmartay isla xubnihii labada gole ee dowladda, ayadoo cayaartaasina ay ku soo cidlaatay bar bar dhac hal iyo hal ah oo ay isla dhaafiwaayeen.
Markii cayaarahaasi soo geba geboobeen ayaa waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay wasiirka warfaafinta ee xukumadda Soomaaliya mudane Maxmed Cabdi Xayir โMaareeyeโ ย xildhibaan C/raxmaan Suge โIlkacaseโ iyo xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow oo sharaxay sida ay cayaartasi u dhacday.
Mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa yiri โโEe Farxad iyo nolal ayeyna muuji neynaa dhalin yarada Soomaliyed ayeynu la qeyb saneynaa malainta farxadooda xukuumada ahaan waa nalaga raayay kubada cagta eeย ma araka ee kubada cagta naftigeeda ee dhor darbo oo aynu fileynin ayaa gool isaga noqdayย waa baqtiyee nasiib ayey ku heleenย baqtiyoo nasiib ayey ku heleen mooye weynu ku ciyaar fiic neyn โ
Xildhibaan Claahi Cumar Abshirow oo isna hadlay ayaa yiri โwasiirka aad buu u mahadsan yahay waxuu qirtay in aan ka badanayย maanta ciyaarta waxey ku dhamaatay afar iyo labo ay ku adkaaden golaha barlamaanka waxaana laga adkaadayย golaha wasiirada taasi waxey aheyd ciyaarta kubada cagta ciyaarta kale ee xarig jiidka waxey ku dhamaatay bar bardhac hal iyo hal aad baana ugu faraxsa nahay in aan garaacno golaha wasiirada markastana saan ayaan u garaaci doona haduu ilaahey idmo aad baad u mahadsan tihiin, ย waxaan udabaal dageynay shan iyo tobanka May maalin dhalin yarada Soomaliyed ee waxaan isku ballan sanahay koox wasiira ah iyo koox barlamaankaย ahย ee meesha ciyaar aad fiican baa kadhacday ee runti waa ciyaar.
Wasiirka dhalanyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Maxmed C/llaahi ย Xasan Nuux ayaa si guud uga hadlayย ahmiyadda ayย leedahay xuska 15 May
โin ay tahay munaasabada wey neyta 15 may waa sanad garuu radii 72 ee ย SYL iyo gobanimo doonkiiย waxaan aamin sanahay shaqadan shaqa abuu reysa ama qurxi neysa isdhax galka bulshada iyo sidii loogu talagalay wasaarada arimaha bulshada in ay shaqadoodu tahayย isdhaxgal noocan oo kale in uu marwalbo jira ciyaartan sidii u xiisa badneyd iyo sidii u dhacday ee waad daawaneyseno aad bey uguย habooneydย ciyaar ahaan ee isdhax gal bulsho hadii la dhaho door aad u qurux badan bey ku laheyd.
Waa sanad guuradii 72aad ee ka soo wareegatay aas aaskii ururkii gobanimo doonkii soomaaliyeed ee SYL ayadoo 15 may sanad kasta munaasabado lagu xusayo lagu qabto gudaha iyo dalka.












