Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

C/raxmaan Jeylaani oo Indhaha loo fiiqay iyo  Xil Dhuxulow oo caawiyey ardeygaasi (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
C/raxmaan Jeylaani oo Indhaha loo fiiqay iyo  Xil Dhuxulow oo caawiyey ardeygaasi (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdiraxmaan Jeylaani, waa wiil ardey ah oo arag la’aan ahaa, waxa uu wax ka bartaa dugsiga Al-Bashiir ee ardeyda arag  la’aanta ah, da’diisu waa 15 sano jir, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, ayaa gacan buuxda ka geystay in isbitaal la geeyo si loo fuliyo rajo laga qabay in aragtidiisa dib loo soo celin karo.

Maalintii Sabtiga aroortii ayaa la geeyay Isbitaalka weyn ee Ex Digfeer ee ay gacanta ku hayaan Dhaqaatiirka Turkiga si loo fuliyo Qalniin xagga Indhaha ah oo lagu sameynayey, waxaana la fuliyey Qalniinkaasi, xiligaas oo ay masuuliyaddiisa iyo xaaladdiisuba uu si dhow ula socday Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo waqtigiisa ugu badan arrintaan ka bixiyey laba maalmood oo buuxda.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Hal maalin kaddib markii la fuliyey Qalniin Indha Fiiqis ah oo mid ka mid ah Indhaha Cabdiraxmaan Jeylaani lagu sameeyey, ayuu xildhibaan Mustafa oo uu la socdo Abuukar Cawaale Qaad-diid ku booqdey Isbitaalka si xaaladiisa loo soo eego dhaqaatiirtuna ay u kala caddeeyaan Natiijada Qalniinka lagu sameeyey Wiilkaan.

Markii aan tagnay Isbitaalka Xildhibaanka iyo dadkii la socday waxaa warbixin siiyey Dhaqaatiirta Isbitaalka Ordugan ee magaalada Muqdisho iyo maamullaha Iskuulka Ardeyda aragga la’ ay dhigtaan, waxa ay muujiyeen dhammaantood rajo aad u wanaagsan, maadaama lagu sameeyey qalniin mid ka mid ah Indhaha Ardeygaasi.

Cabdiraxmaan Jeylaani, ayaa tijaabooyinka lagu sameeyey ee ahaa in uu dareemi karo muuqaallada dadka iyo halka uu ku sugan yahay, ayuu sheegay in markii ugu horreysa  uu dareemay in uu wax uu arki karo, dhaqaatiituna waxa ay sheegeen in maalmaha soo socda la rajeynayo in si toos ah wax u arko.

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow a ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay  ka qeyb-qaataan caawimaadda dadka sidan oo kale uu dhibaateysan.

Maamulaha dugsiga ardeyda aragga la’ ee  Al-Basiir Abiikar Xuseen Bashiir, ayaa nooga sheekeeyey sida ay kusoo bilaabaatay arrinta la xiriirta in laba ardey Indhaha loo fiiqi karo.

waxa uu yiri “Runtii, waxaa jirtay in uu na soo booqdey Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, waxaan is dhaafsanay arrimo badan, waxaan isla garanay in baaritaan  la marsiiyo laba ka mid ah ardeyda oo la ogaadey in xaaladooda wax laga qaban karo,  sidaad u jeedaan waxaa qalniinka lagu horumariyey Cabdiraxmaan Jeylaani Mayee oo 15 jir ah, waxaa la qalay shalay  Alxamdulillaah, waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda uu araggiisa si fuul ah u helo”.

Sidoo kale Abiikar Xuseen Bashiir ayaa tilmaamay in Maxamed Xasan uu  yahay  wiil isagana arag  la’aan ah, maalmaha soo socdana lagu sameyn doono Qalniin indha Fiiqis ah, waxa uu u mahadceliyey Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow.

Waxaa isagana ku xigi doona Maxamed Xasan oo ah ardey 11,sano jira kaasoo ku xigi doona qalniinka labaad, marka sidaa daraadeed waxaan halkaan mahadcelin uga soo jeediyanayaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta ahna xildhibaan ka tirsan  Barlamaanka Soomaaliya iyo asxaabtiisa, waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda in aan aragno Cabdiraxmaan oo wax arki kara, waxaan u mahadcelinayaa qof walba oo arrintaas niyadda uga duceeyey”.

13-kii Bishan ayuu booqasho dhiiragelin ah ku tagay Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, dugsiga ardeyda aragga la’ ee Al-Basiir, waxa uuna dhiirageliyey in la fuliyo Qalniinka indha Fiiqista ah ee ay u baahnaayen laba ardey oo la ogaadey in wax laga qaban karo, waxaana rajada laga qabo ay tahay howshaan mid aad u wanaagsan, waana waajib u wada yaalla Shacabka oo dhan.

 

vlcsnap-2015-05-17-17h22m24s68_2

vlcsnap-2015-05-17-15h29m33s179

vlcsnap-2015-05-17-17h20m58s236_2

vlcsnap-2015-05-17-17h19m28s73

vlcsnap-2015-05-17-17h20m26s144

vlcsnap-2015-05-17-17h19m15s182

vlcsnap-2015-05-17-17h21m20s151

vlcsnap-2015-05-17-17h22m37s160_2

vlcsnap-2015-05-17-17h23m25s126_2

vlcsnap-2015-05-17-17h20m11s235

vlcsnap-2015-05-17-17h24m44s158

vlcsnap-2015-05-17-17h22m18s243

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo dib u howlgeliyay garoonka N0 50 “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo dib u howlgeliyay garoonka N0 50 “SAWIRRO”

Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo dib u howlgeliyay garoonka N0 50 “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In