Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Croatia: Dalkii Sadex Iyo Tobanaad oo gaara Fiinalka Koobka Aduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha
0
Croatia: Dalkii Sadex Iyo Tobanaad oo gaara Fiinalka Koobka Aduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka qaranka Croatia ayaa u gudbay kama danbeysta koobka aduunka markii ugu horeysay tariikhda ayadoo markii ugu horeysay koobka aduunka ay ciyareen ahayd 20-sano ka hor waxaana ay soo gaaren wareega afarta xiligaasi oo Croatia uu reebay dalka Faransiiska oo haatan kama danbeysta ay la ciyaari doonan.

Ingiriska oo gool la hormaray ayaa qaybtii hore lagu kala nastay qaybtii danbe markii la isku soo laabtay ayaa waxaa Croatia u barbareyay Ivan Perisic oo garabka weerarka ugu ciyaara dalka Croatia.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Waqti dheeri ah oo lagu daray ayaa waxaa Ingiriska ugu shubay Mario Manduzic oo u sahlay dalkiisa Croatia in uu noqdo dalkii sadex iyo tobanaad oo gaaro kama danbeysta tartanka dunida ugu weyn  ayadoo sidoo kale Manduzic gool uu ka dhaliyay Ingiriska kulankii ugu danbeyay oo dalkiisa uu la ciyaaray Ingiriska Toban sano iyo bar ka hor.

Croatia ayaa ciyaaray sanadkaan markii sadexaad 120 daqiiqo waana markii shanaad oo sidaan oo kale kulan waqti dheeri ah lagu daro waxaana Croatia horey ay u soo garaceen dalka Ruushka oo koobka marti gelinayay halka sidoo kale ay ka soo adkaaden dalka Denmarka oo rigorayaal ay ugu soo adkaaden ugu danbeyntiina waxeey gaaren kama danbeysta koobka aduunka markii ugu horeysay tariikhda.

Xulka qaranka Ingiriska ayaa ku rajo weynaa in uu ku guuleysan karo koobka aduunka markii ugu horeysay 52-sano kadib ayadoo Ingiriska uu ku guuleystay Koobkii aduunka ee sanadkii 1966-kii waqti dheer oo xiligaasi ka soo wareegtay waxay ugu jireen dalaal sidii ay u heli lahayeen markii labaad in ay ku guuleystan balse uma suurta gelin in sanadkaan 2018.

Wiilasha Ingiriska u matalayay sanadkaan koobka aduunka ayaa noqday kuwii ugu horeyay ee Ingiriska keena afar dhamaadka Tartanka koobka aduunka tan iyo sanadkii 1990-kii xiligaasi oo ay ugu danbeysay in Ingiriska uu soo gaaro afarta ugu danbeysa tartanka waxaana Maalinta Sabtida Kaalinta sadexaad ay la ciyaari doona xulka qaranka Belgium oo koobka sidoo kale ka mid ahaa dalalka looga cabsida qabay balse ku guuldareystay in uu soo gaaro kama danbeysta koobka aduunka kana adkaado dalka Faransiiska oo haatan nasiibka uu siiyay in uu gaaro Fiinalka Tartanka waxaana Maalinta Axada ay noqon doonta maalinta ugu danbeysa ee la soo gaba gabeeyo koobka aduunka Faransiiska iyo Croatia ayaana ciyaari doona kama danbeysta.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo sheegay inuu xirmay Kalfadhigiii Saddexaad ee Golaha Shacabka

Next Post

Kenya iyo Mareynkanka oo ku baaqay dardar gelinta dagaalka ka dhanka Kooxaha argagixisada

Next Post
Kenya iyo Mareynkanka oo ku baaqay dardar gelinta dagaalka ka dhanka Kooxaha argagixisada

Kenya iyo Mareynkanka oo ku baaqay dardar gelinta dagaalka ka dhanka Kooxaha argagixisada

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In