Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Croatia: Dalkii Sadex Iyo Tobanaad oo gaara Fiinalka Koobka Aduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 12, 2018
in Ciyaaraha
0
Croatia: Dalkii Sadex Iyo Tobanaad oo gaara Fiinalka Koobka Aduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka qaranka Croatia ayaa u gudbay kama danbeysta koobka aduunka markii ugu horeysay tariikhda ayadoo markii ugu horeysay koobka aduunka ay ciyareen ahayd 20-sano ka hor waxaana ay soo gaaren wareega afarta xiligaasi oo Croatia uu reebay dalka Faransiiska oo haatan kama danbeysta ay la ciyaari doonan.

Ingiriska oo gool la hormaray ayaa qaybtii hore lagu kala nastay qaybtii danbe markii la isku soo laabtay ayaa waxaa Croatia u barbareyay Ivan Perisic oo garabka weerarka ugu ciyaara dalka Croatia.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Waqti dheeri ah oo lagu daray ayaa waxaa Ingiriska ugu shubay Mario Manduzic oo u sahlay dalkiisa Croatia in uu noqdo dalkii sadex iyo tobanaad oo gaaro kama danbeysta tartanka dunida ugu weyn  ayadoo sidoo kale Manduzic gool uu ka dhaliyay Ingiriska kulankii ugu danbeyay oo dalkiisa uu la ciyaaray Ingiriska Toban sano iyo bar ka hor.

Croatia ayaa ciyaaray sanadkaan markii sadexaad 120 daqiiqo waana markii shanaad oo sidaan oo kale kulan waqti dheeri ah lagu daro waxaana Croatia horey ay u soo garaceen dalka Ruushka oo koobka marti gelinayay halka sidoo kale ay ka soo adkaaden dalka Denmarka oo rigorayaal ay ugu soo adkaaden ugu danbeyntiina waxeey gaaren kama danbeysta koobka aduunka markii ugu horeysay tariikhda.

Xulka qaranka Ingiriska ayaa ku rajo weynaa in uu ku guuleysan karo koobka aduunka markii ugu horeysay 52-sano kadib ayadoo Ingiriska uu ku guuleystay Koobkii aduunka ee sanadkii 1966-kii waqti dheer oo xiligaasi ka soo wareegtay waxay ugu jireen dalaal sidii ay u heli lahayeen markii labaad in ay ku guuleystan balse uma suurta gelin in sanadkaan 2018.

Wiilasha Ingiriska u matalayay sanadkaan koobka aduunka ayaa noqday kuwii ugu horeyay ee Ingiriska keena afar dhamaadka Tartanka koobka aduunka tan iyo sanadkii 1990-kii xiligaasi oo ay ugu danbeysay in Ingiriska uu soo gaaro afarta ugu danbeysa tartanka waxaana Maalinta Sabtida Kaalinta sadexaad ay la ciyaari doona xulka qaranka Belgium oo koobka sidoo kale ka mid ahaa dalalka looga cabsida qabay balse ku guuldareystay in uu soo gaaro kama danbeysta koobka aduunka kana adkaado dalka Faransiiska oo haatan nasiibka uu siiyay in uu gaaro Fiinalka Tartanka waxaana Maalinta Axada ay noqon doonta maalinta ugu danbeysa ee la soo gaba gabeeyo koobka aduunka Faransiiska iyo Croatia ayaana ciyaari doona kama danbeysta.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo sheegay inuu xirmay Kalfadhigiii Saddexaad ee Golaha Shacabka

Next Post

Kenya iyo Mareynkanka oo ku baaqay dardar gelinta dagaalka ka dhanka Kooxaha argagixisada

Next Post
Kenya iyo Mareynkanka oo ku baaqay dardar gelinta dagaalka ka dhanka Kooxaha argagixisada

Kenya iyo Mareynkanka oo ku baaqay dardar gelinta dagaalka ka dhanka Kooxaha argagixisada

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In