Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya oo buug laga qoray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya oo buug laga qoray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Buug ka hadlaya Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya oo uu qoray Pro Axmed Sheekh Maxamed Kutub ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho .

Soo bandhigidda Buugga Cudurada ku dhaca Geela oo ay qaban qaabdiisu laheyd Jaamacadda Banaadir, isla markaana ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Dekedaha iyo Xanaanada Xoolaha, Maamulka Jaamacadda Banaadir, Dhakhaatiir, Aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu qoraaga buuga Pro. Axmed Sheekh Maxamed Kutub, wuxuu kusoo bandhigay Cilmi baarista Buugan oo uu sheegay inuu ka sameeyay Seddex Gobol oo kala ah Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana sida Buugga ku xusan Geela Soomaaliya oo dhan 7 Milyan laga helay in kabadan 60 cudur oo kala duwan.

Related posts

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Dhiinka Kuliyadda Cilmiga Xoolaha ee Jaamacadda Banaadir Nuurto Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Pro Maxamed Maxamuud Bideey, ayaa sheegay inay ka Jaamacad ahaan diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan Abuurista xaruun weyn oo lagu baaro Cudurada ku dhaca xoolaha Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur ayaa xusay inay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin inay dhiirigeliyaan Cilmibaarisyada lagu horumarinayo Caafimaadka Xoolaha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mahad Maxamed Xasan oo munasabadda soo xiray ayaa sheegay inuu Geela muhiimad weyn ugu fadhiyo Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, loona baahanyahay in  la daryeelo.

Sida ku xusan Buuggan Soomaaliya ayaa Boqolkiiba Soddon heysta Geela Caalamka oo lagu qiyaasay 72 Milyan, waxaana xusid mudan inuu Buuggan noqday kii ugu horeeyay ee lasoo bandhigo, loogana hadlo Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya

Previous Post

Biyo dhamaamin loo sameeyay qoysas ku nool tuulooyinka hoostaga Balanbale iyo Caabudwaaq

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan ka yeelatay habka bixinta Cashuuraha

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan ka yeelatay habka bixinta Cashuuraha

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan ka yeelatay habka bixinta Cashuuraha

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In