Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya oo buug laga qoray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya oo buug laga qoray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Buug ka hadlaya Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya oo uu qoray Pro Axmed Sheekh Maxamed Kutub ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho .

Soo bandhigidda Buugga Cudurada ku dhaca Geela oo ay qaban qaabdiisu laheyd Jaamacadda Banaadir, isla markaana ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Dekedaha iyo Xanaanada Xoolaha, Maamulka Jaamacadda Banaadir, Dhakhaatiir, Aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu qoraaga buuga Pro. Axmed Sheekh Maxamed Kutub, wuxuu kusoo bandhigay Cilmi baarista Buugan oo uu sheegay inuu ka sameeyay Seddex Gobol oo kala ah Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana sida Buugga ku xusan Geela Soomaaliya oo dhan 7 Milyan laga helay in kabadan 60 cudur oo kala duwan.

Related posts

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

December 18, 2025

Dhiinka Kuliyadda Cilmiga Xoolaha ee Jaamacadda Banaadir Nuurto Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Pro Maxamed Maxamuud Bideey, ayaa sheegay inay ka Jaamacad ahaan diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan Abuurista xaruun weyn oo lagu baaro Cudurada ku dhaca xoolaha Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur ayaa xusay inay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin inay dhiirigeliyaan Cilmibaarisyada lagu horumarinayo Caafimaadka Xoolaha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mahad Maxamed Xasan oo munasabadda soo xiray ayaa sheegay inuu Geela muhiimad weyn ugu fadhiyo Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, loona baahanyahay in  la daryeelo.

Sida ku xusan Buuggan Soomaaliya ayaa Boqolkiiba Soddon heysta Geela Caalamka oo lagu qiyaasay 72 Milyan, waxaana xusid mudan inuu Buuggan noqday kii ugu horeeyay ee lasoo bandhigo, loogana hadlo Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya

 

Previous Post

Biyo dhamaamin loo sameeyay qoysas ku nool tuulooyinka hoostaga Balanbale iyo Caabudwaaq

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan ka yeelatay habka bixinta Cashuuraha

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan ka yeelatay habka bixinta Cashuuraha

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan ka yeelatay habka bixinta Cashuuraha

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixinta Waxqabadka Sannadka 2025, iyadoo...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

December 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In