Kulankan Golaha Guud ee Culima’udiinka Soomaaliyeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku Cambaareeyeen falalka xasuuqa ah ee lagu hayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Burma, kuwaasi oo loo geysanayo Xadgudubyo meel ka dhac ku ah Xuquuqda Aadanaha.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Macalimiinta Dugsiyada qur’aanka kariimka ee gobolka Banaadir, Culimaa’udiin iyo Aqoonyahanno, waxaana diiradda lagu saaray dhibaatooyinka lagu Xasuuqayo Muslimiinta Burma.
Qaar ka mid ah Culimaa’udiinkii ka hadlay goobta ayaa si kulul u cambaareeyay shacabka iyo dowladda Burma , dhibaatooyinka xasuuqa ah ay ku hayaan Muslimiinta ku nool wadankaasi.
Madaxa Xiriirka Guud ee Golaha Cullimada Soomaaliyeed Shiikh Cumar Cali Rooble oo ka hadlay goobta ayaa wax laga xumaado ku timaamay dhibaatooyinkaasi lagula kacayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Burma.
Ku simaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Sayid Abaa Cali ayaa ugu baaqay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta in ay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa Muslimiinta la xasuuqayo.
Muddooyinkan ayaa waxaa isa soo tarayay Xasuuqa iyo Dilalka lagu hayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Burma.