Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu sagootinayay ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baledweyne, taasi oo ay ka qeybgaleen maamulka iyo bulshada gobolka Hiiraan.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ahayd mid lagu sagootinayay cutubyo ka tirsn ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti, halka lagu soo dhaweyanyay kuwa kale oo ka howlgeli doona gobolka Hiiraan, iyadoo faniin goobta heeso ka qaaday ay ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidamada la sagootinayay.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Qaar ka mid ah qeybaha bulshada oo ka hadlay aya sheegay inay aad ugu faraxsanyiiin waxyaabaha ay u qabteen ciidamada AMISOM.

Guddomiyaha Beledweyne Macalin Cismaan Cadbi Qalaafoow ayaaa sheegay in shacabka aysan hilmaami doonin tallaabadiii cidamada AMISOM ay ka qaateen sugidda amiga degmada Beledweyn

Kornayl Tawane Axmed Gureey oo ah taliyaha guutada tobnaad ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadan ay door badan ka qaateen dhanka howlgallada iyo dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.

“Waxaa inoo gaar ah in tani maalin farxadeed noo tahay, ma hilmaami doono, anagu waxaan nahay carruur ay dhaleen, isla markaana soo bar baaray. Ayuu yiri Kornayl Tawane.

Kornal Cismaan Dubad ayaa ka mahadceliyay saddexda sano iyo barka sida ay ula dhaqmeen shacabka reer Jabuuti, waxaana uu intaa raaciyay in qalbiyadoodu aysan ka go’I doonin bulshada gobolka.

“Ma halmaami doono muddadii aan wada joognay iyo sida ay inoola shaqeeyeen, soo dhaweyn fiican ayaan idinkala kulanay, waxaana ka marqaaati kacayaa in bulshada gobolka Hiiraan ay yihiin kuwa Nabadda Jecel.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiran Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in bulshada iyo intii ka horeysay ay faah faahin rasmi ah ka bixiyeen waxqabadka ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti, isla markaana qeyb ka ahaa howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana uu intaa ku daray in cutubyo kale ay iminka ka joogaan gobolka, lana shaqeeyo sida ugu haboon.

“Hil walaal ma tegin ee way joogtaa, ee sida aan ula shaqeyn jirnay aan ula shaqeyno, runtii waxa ay inoo qaban jireen haddana diyaar ayay weli inoo yihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Liido

Next Post

Deegaanka Dacooleey oo laga hirgelinayo goobo caafimaad iyo waxbarasho

Next Post
Cadaado oo laga taageeray Golaha Wasiirada

Deegaanka Dacooleey oo laga hirgelinayo goobo caafimaad iyo waxbarasho

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In