Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Galmudug oo tababar loo soo gabagabeeyey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Galmudug oo tababar loo soo gabagabeeyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshisiinta dowlad goboleedka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa maanta tababar u soo xiray Dufcaddii u horeeysay ee Ciidanka Asluubta Qeybtooda Galmudug

Munaasabada xiritaanka tababarka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka Gobalka kan dagmada Gaalkacyo ee Saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo la taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Galmudug Jenaraal Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb iyo mas’uuliyiin kale oo xafladda lagu casuumay.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Gaashaanle dhaxe Maxamuud Cilmi Gulaafe Madaxa Tababarada Ciidanka Galmudug ayaa sheegay in muddo afar bilood ah ay tababar jireed, mid sharciyada iyo xeerarka ciidanka Asluubta qaateen isla markaana ay yihiin 110 askari oo ah dufcaddii ugu horeeysay ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Qeybtooda Galmudug

Munaasabada oo intii ay socatay ay ka hadleen Mas’uuliyiinta maamulka gobalka Mudug iyo kan dagmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidanka Asluubta Qeybta Galmudug Xildhibaanno gudoomiyaha maxlamadda racfaanka Gobalka Mudug iyo la taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Galmudug Jenaraal Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb ayaa dhamaantood bogaadiyay tababarka la siiyay ciidanka Asluubta ee Galmudug.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshisiinta Galmudug mudane Cumar Maxamed Diiriye oo soo xiray tababarka ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay si daacad ah ugu adeegaan bulshada oo ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

















 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Ciidanka Booliska “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Labada Gole oo ka dooday arrimaha wax ka badalka Dastuurka KMG

Next Post
Xildhibaannada Labada Gole oo ka dooday arrimaha wax ka badalka Dastuurka KMG

Xildhibaannada Labada Gole oo ka dooday arrimaha wax ka badalka Dastuurka KMG

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In