Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 14, 2020
in Wararka
0
Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Difaaca ee Dalka mudane Xasan Cali Maxamed, Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan taliska xarunta tababarada ciidamada ee Turki-Som ayaa maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga, kuwaasi oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise oo goobta kula hadlay ciidamadan ayaa xusay in door weyn ay ka qaadan doonaan dadaalada Dowladu ay dooneyso in ay ku xasiliso dalka, wuxuuna intaasi ku daray in ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga dulqaadi lahaayen culeeyska ay kuhayaan argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay mudnaan gaar ah siisay dhismaha ciidanka xoogga, isagoo intaa raaciyay in tababarada gaarka ah ee ciidamada ay ku soo qaataan Dalka dibadiisa ay qeyb ka tahay joogtaynta xuquuqda ciidamada.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa xusay inay mudanyihiin in loo mahadceliyo ciidanka, maadaama naftooda ay u hureen Difaaca Qaranimada Soomaaliya, waxaana dowladdu ay dadaal xooggan galisay dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Warbixin: Dowladda iyo Xorriyadda Saxaafadda

Next Post

Adeegsiga baraha bulshada oo ah meel ay ku kulman dadyowga caalamka ku kala nool

Next Post
Adeegsiga baraha bulshada oo ah meel ay ku kulman dadyowga caalamka ku kala nool

Adeegsiga baraha bulshada oo ah meel ay ku kulman dadyowga caalamka ku kala nool

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In