Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Warbixin: Dowladda iyo Xorriyadda Saxaafadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Warbixin: Dowladda iyo Xorriyadda Saxaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Amnesty International waa hay’ad caalami ah oo sumcad wanaagsan ku leh adduunka iyo arrimaha xuquuqul insaanka, laakiin waxaan rabaa in aan sheego in  warbixinta ay soo saartay ee la xiriirta saxaafadda Soomaaliya, ay tahay mid aan isu dheelli tirneyn oo ay ku jiraan xogo badan oo aan sugneyn iyo kuwo qabyo ah.

Tusaale ahaan hay’addu intii ay warbixinta diyaarineysay waxba nagama weydiin, sidoo kale ma jirin dad iyaga ka socda oo noo yimid ama wax naga weydiiyay xaaladda saxaafadda dalka.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Sidoo kale lama aysan kulmin hay’adaha kale ee dowladeed ee arrintu khuseyso.

Sida isla warbixinta ku cad, waxaa diyaariyay dad aan dalkaba joogin, taas oo wax u dhimeysa sugnaanta macluumaadka iyo fahamka dhabta ah ee xaqiiqada jirta.

Maalmo ka hor ayay noo soo direen template su’aalo diyaarsan ah, jawaabihii aan siinneyna aad ugama muuqdaan warbixinta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay xurmad u haysaa oo dhowreysaa xorriyadda Saxaafadda iyo xorriyadda hadalka guud ahaan.

  • Ma jirto cago jugleyn iyo ciriiri gelin lagu hayo saxaafadda iyo saxafiyiinta.
  • Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma jiro wariye u xiran, ama makamadeyntiisu socoto ama maxkamadi doondooneyso.
  • Waxaa jiray askar si xun ula dhaqmay saxafiyiin tallaabo laga qaaday lana xiray.
  • Ma jirto xog helis laga hor joogsday saxaafadda, waxaase jirta in xilliyada qaar la xaddido galista goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan, taas oo loogu daneynayo wariyeyaasha iyo dadka rayidka ah inta laga hubinayo in aan khatar kale ka jirin goobta.
  • Marar badan waxaa dhacda in qarax labaad ka dhaco goobta, taas oo ay wariyeyaal iyo dad kaleba wax ku gaaraan, waxay horay uga dhacday Hoteel Saxafi, Dayax, Hooyooyinka, Jazeera iyo goobo kale oo mararka qaar wariyeyaal wax ku noqdeen.
  • Nasiiba darro wariyeyaasha qaar ayaa goobaha qaraxyada taga oo si toos ah (live) ugu soo tabiyay dad gubanaya, kuwo dhiig baxaya iyo maydad dhulka waran, taas oo ka soo horjeedda qawaaniinta caalamiga ah iyo anshaxa saxaafadda.
  • Dowladdu waxay ku dhaqantaa sharci, dastuurkeenna iyo shuruucda kale ee dalka ayaa damaanad qaadaya xorriyadda hadalka.
  • Ma ogin facebookyo dad laga xiray, dowladduna ma oggola arrintaas oo ah sheegasho aan caddeyn loo hayn.

W/D: Hon. ADAM ISAK ALI

#NabadiyoNolol.

#SoomaaliyadaCusub.

Previous Post

Wasiir Beyle oo sharaxay waddada loo marayo deyn cafinta Soomaaliya

Next Post

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In