Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daadgureynta dadka ka cararaya Daalibaan oo wali ka socota Afghanistan

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Daadgureynta dadka ka cararaya Daalibaan oo wali ka socota Afghanistan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaarado siday boqolaal qof oo laga soo daadgureeyay Kabul ayaa gaaray wadamada Ingiriiska iyo Jarmalka iyadoo waddamada reer Galbeedka ay sare u qaadeen dadaallada lagu daadgureynaayo dadka ka cararaya xukunka maleeshida la wareegtay talada,  inkastoo kooxda Daalibaan ay ballanqaaday xuquuqda haweenka, xorriyadda warbaahinta iyo cafis ay u fidiyeen saraakiisha Ciidamada Afghanistan.

Diyaaradda British Air Force oo ay la socdeen muwaadiniin British ah iyo shaqaalaha safaaradda ayaa ka degtay saldhigga cirka ee Oxfordshire, UK, halka dowladda Jarmalka ay kireysatay duulimaadkii Lufthansa oo siday 130 qof oo laga soo daadgureeyay magaalada Frankfurt ee Jarmalka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Mareykanka ayaa sheegay in duulimaadyadiisa milateri ay Kabul ka daadgureeyeen Talaadadii 3,200 oo qof.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo qorshe ay ku soo dhaweyneyso ilaa 20,000 oo Qaxooti reer Afgaanistaan ​​ah, iyaga oo sheegay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan haweenka, iyo dadka nugul, sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxa Ingiriisk.

Previous Post

Tahriibayaal Afrikan ah oo ku geeriyooday Badweynta Atlantic

Next Post

Hay’adaha Amaanka dalka iyo Golaha Nabadda Midowga Afrika oo Shir uga furmay Muqdisho

Next Post
Hay’adaha Amaanka dalka iyo Golaha Nabadda Midowga Afrika oo Shir uga furmay  Muqdisho

Hay’adaha Amaanka dalka iyo Golaha Nabadda Midowga Afrika oo Shir uga furmay Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In