Malaayiin dadka reer Turki ah ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaala magaalada Istanbul ee dalkaas, dadka ka qeybgalay isu soo baxa ayaa lulayay calanka Turkiga, iyadoo dibad baxa ay ka qeybgaleen madaxweynaha Turkiga iyo axsaabta siyaasadda ee dalkaas marka laga reebo kuwo Kurdiyiinta ah.
U jeedada isu soo baxa ayaa lagu sheegay in la muujiyo sida dadka Turkiga u dhashay ay ugu soo horjeedaan falalka lagu carqaladeynaayo amniga iyo deganaanshaha dalkaas gaar ahaan isku daygii afgambi ee fashilmay oo 15 bishii la soo dhaafay ka dhacay dalkaas iyo in la xasuusto dadkii ku dhintay isku daygaas intii uu socday.
Isu soo baxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xisbiga talada haya ee AKP, waxaana fagaaraha Yenikapi ee magaalada Istanbul uu ahaa mid si weyn ay ugu soo qeybgaleen tiradii markii hore loogu talagalay.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo malaayiinta banaan baxa ka qeybgalay khudbad u jeediyay ayaa u mahadceliyay dadka Turkiga kaalintii ay ku lahaayeen in ay ka hortageen isku daygii afgambi ee dhicsoobay,isagoo sidoo kale u mahadceliyay hogaamiyeyaasha axsaabta siyaasadda dalka iyo ciidamada qalabka sida ee wadankaas.
In ka badan 15, 000 oo booliis ah ayaa ammaanka goobta banaan baxa sugayay.
Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in taageeriyaasha Fethulah Gulan laga qaban doono dalkan, waxaana uu sheegay in la soo celin doono xukunka dilka ee dalka Turkiga, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka dibad baxa ka qeybgalay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin “soo celi xukunka dilka ah” taas ayaana muujinaysa sida dadka Turkiga ugu faraxsan yihiin afkaarta xisbiga AKP.
In ka badan 60,000 oo isugu jira saraakiil ciidan, garsoriyaal, macalimiin iyo kuwo kale ayaa la qab qabtay tan iyo markii uu dhacay afgambigii fashilmay, kuwaas oo lala xiriiriyay in ay ka dambeeyeen dhacdadaas oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay wadaadka fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ee Fethulah Gulan hase yeeshee wuu beeniyay jiritaan arintaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii...