Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirada Wasiirka Gaashandhiga oo Guriceel lagu soo dhaweeyay Maanta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirada Wasiirka Gaashandhiga oo Guriceel lagu soo dhaweeyay Maanta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guriceel,Galgaduud, March 2, 2015….Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka Galgaduud, Xildhibaano Saraakiil iyo odayaal dhaqan.Waxana ujeedka socdaalka wafdiga uu yahay sidii xal looga gaari lahaa dagaalladi dhawaan ku dhex maray magaalada Guriceel Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna.

Wasiirka Difaaca ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay saraakiisha Ciidmadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Guriceel iyo kuwa Ahlusunna, waxana uu Wasiirku kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa colaada ka taagan deegaanka, isagoo kormeer ku tagey goobihii dagaalladu ay ka dhaceen, wuxuna mahadcelin u jeediyay odayaasha iyo ganacsatada isku howlay sidii arrintan xal ugu heli lahaayeen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay degmada Guriceel ayaa sheegay ujeedka socdaalkiisu uu yahay sidii xal waara looga gaari lahaa dagaallada uu dhiiggu ku daatay, wuxuna tilmaamay gacan ka hadalka khasaaraha nafeed dhaliyay  uu u baahan yahay in lagu xaliyo wada xaajood iyo isqancin.

“Waxaan u nimid in aan horsed u noqono nabadda iyo wadajirka dadka walaalaha ah ee dagaalamay, ma jirto nabad cid noo keenaysa intiinaan ayaa laga rabaa xalka, Soomaaliya waayo aragnimo ku filan dagaal iyo gacan ka hadal waa leedahay waxa laga dhaxlayna waad ogtihiin, waxaan aad uga xumahay in ciidankii difaaci lahaa dalka uu shacabkii ku dhex dagaalamo, dhamaanteen waajib ayaa naga saaran in aan raadino xal ka duwan gacan ka hadalka”.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray 24-kii sano ee lasoo dhaafay colaado, Abaaro, qalalaase siyaasadeed oo  horseday bur-bur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka, waa inaan dhamaanteen u wada istaagnaa samatabixinta dalka iyo dadka. Waa inaan meel uga soo wada jeedsano sidii wixii dhacay aan wada hadal ugu dhameyn lahayn, gobolka Galgaduud wuxuu kamid yahay gobolladii ay colaaduhu la haraan gacantiina ayay ku jirtaa nabad iyo horumarka gobolka”ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo intaasi ku daray gacan ka hadalkii hore ee dhiigu ku daatay in looga gudbi karo wadaxaajood loo dhan yahay iyo wada hadal nabadeed.

                                                                    —-DHAMMAAD–

 

IMG_7070 IMG_7078 IMG_7086 IMG_7116 IMG_7122 IMG_7144 IMG_7144 (1) IMG_7151 IMG_7173 IMG_7217 IMG_7233 IMG_7237 IMG_7242 IMG_7256 IMG_7261 IMG_7276 IMG_7276 (1)

Previous Post

Wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ee Istanbul oo furmi waayay

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 02 03 2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 02 03 2015

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In