Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ee Istanbul oo furmi waayay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 2, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyada oo laga amba qaadayo geeddi socodka wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaal ka ee Soomaaliya si looga dhabeeyo himilada shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laga shidaal qaadanayo heshiiskii ay Madaxweynayaha Jamhuriyadda Federaalka eeSoomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed siilaanyo, ay ku gaareen mag aalada Djibouti bishiiDisembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen {Odowaa,} ayna xubno kayihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo.
Wafdigaasi wuxuu damaanad buuxda u haystaa in uu ergada Somaliland kala xaajoodo arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah.
Waxaa nasiib darra ah in wafdiga kasocda walaalaheen Somaliland oo ku sugan Istanbul, islaHoteelka uushirku kadhici lahaa uuku guuldarreystay in uusoofariisto madasha wadahadalka, isagaoo la soobaxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya matalikara.

Labadhinac oo wadahadlaya midkoodna xaqumalaha in uu midka kale u yeeriyo cidda ay tahay in ay matasho.
Arrintaasi waxay xadgudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo habdhaqanka caalamiga ah ee wadaxaajoodka.
WafdigaSoomaaliya oo shirka la yimid niyad wanaag Soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul katahay in uu qabsoomi waayay shirkani.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruudla’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto.

Wafdiga Dowladda Federaalku wuxuu dib ugu laabanayaa caasimadda Soomaaliya si uu wadatash I ula sameeyo Madaxda Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska u khuseeyaan wada hadalladani.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahad celineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wada hadalka labada dhinac.

Previous Post

Biyo la’aan ka jirta degmada Buur-Hakaba

Next Post

Daawo Sawirada Wasiirka Gaashandhiga oo Guriceel lagu soo dhaweeyay Maanta

Next Post
Daawo Sawirada Wasiirka Gaashandhiga oo Guriceel lagu soo dhaweeyay Maanta

Daawo Sawirada Wasiirka Gaashandhiga oo Guriceel lagu soo dhaweeyay Maanta

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In