Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Biyo la’aan ka jirta degmada Buur-Hakaba

March 2, 2015
in Wararka
0
Biyo la’aan ka jirta degmada Buur-Hakaba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiradan ka tirsan maamulka Koonfur galbeed oo kormeerka ay ugu kuurgalayeen xaaladda nolaleed dadka ku nool degmada Buur-Hakaba ayaa waxaa hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose waxaana kamid ahaa Wasiirka Maalliyadda ee maamulka Koonfur galbeed iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha gargaarka.

Degmada Buur-Habaka ayaa hadda waxaa ka jirta biyo la’aan bahsan oo saaneysay nolashada dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasu, waxaana mas’uuliyiintan intii ay ku sugnaayeen degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay ay kormeereen Waro biyoodyo dadka reer Buur-Hakaba ay ka cabi jireen biyaha isla markaana hadda qalalan oo aan biyo ku jirin.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

Mas’uuliyiinta isugu jira Wasiiro iyo saraakiisha hay’adaha gargaarka ayaa waxaa ay sidoo kale soo indha indheeyeen Ceelasha biyaha ee degmadaasi, waxaana halkaasi ay kula kulmeen dadweynaha biyaha ka dhaansanaya Ceelashaasi oo hadda ay gabaabsi yihiin biyaha ku jira isla markaana waqti dheer ku qaadato in qofka biyo ka dhaansado.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq oo la socda mas’uuliyiinta kormeereysay degmaeda Buur-Hakaba ayaa soo sheegaya in dadka ku nool Buur-Hakaba ay hadda haysato biyo la’aan.

“12 saac ka badan ayaa halkan joogay ilaa iyo hadda wax biyo ah kama helin Ceelkan, dadka oo dhan ayaa sidoo ah dhinaato weyn ayaa ka jirta degmada Buur-Hakaba halkii Fuusto oo biya ah waxaa ay joogtaa 60,000 oo Shilin Soomaaliya ah” waxaa sidaasi sheegay mid kamid ah Haweenka Buur-Hakaba.

Odayaasha ku nool degmada Buur-Hakaba ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in biyo la’aan ay haysato isla markaana maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ay ka codsanayaan in biyo dhaamin loo sameeyay dadka ku dhaqan deegaanadan.

Kulan mas’uuliyiinta maamulka Koonfur galbeed ay la yeesheen maamulka degmada Buur-Hakaba iyo qaar kamid ah waxgaradka ayaa waxaa ay u balan qaadeen in maamulka Koonfur galbeed uu wax ka qaban doono dhibaatada Biyo la’aaneed ee ka jirta degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.

Previous Post

Taliyaha Asluubta oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo geba gebeynaayay Xuska sanad guuradii 45 aad Ee Ciidanka

Next Post

Wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ee Istanbul oo furmi waayay

Next Post

Wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ee Istanbul oo furmi waayay

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In