Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo dalxiiska ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Jabuuti ayaa Maanta La kulmay Wasiirka warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta ee Wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulankan 00 ka dhacay Xarunta Wasaarada Warfaafinta , Boostada iyo isgaarsiinta ayaa waxa ay labada dhinac uga hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen heshiisyo dhowr ah oo ay labada dhinac horay u gaareen.
Waxyaabaha ay labada dhinac kawada hadleen waxaa ka mid ahaa qalabeynta xaafiiska Taleefishinka Qaranka Soomaaliya ee dalka Jabuuti iyo tababarida shaqaalaha Wasaarada warfaafinta Soomaaliya iyo dalxiiska iyo sidoo kale in ay iskaashadaan labada Wasaaradd .