Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirada:Safiirka Soomaaliya u fadhiya Djibouti oo casho sharaf u sameeyey Wafdi ka Socday Wasaaradda warfaafinta iyo dalxiiska ee Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirada:Safiirka Soomaaliya u fadhiya Djibouti oo casho sharaf u sameeyey Wafdi ka Socday Wasaaradda warfaafinta iyo dalxiiska ee Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Djibouti, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), ayaa hoygiisa safaaradda casho sharaf ugu sameeyaan wafdi ka socda wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya.

Wafdigan uu hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradda, Cabdirisaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi), ayna ka mid ahaayeen Agaasimaha Raadiyo Muqdisho, Axmed Faarax Gaatamoow, La taliyaha sare ee Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto) iyo Caasho Yuusuf Muuse (Caasho Domain), oo ah Wakiilka SNTV ee dalka Djibouti.

Related posts

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026

Safiirka, ayaa mas’uuliyiinta u soo jeediyay tallooyin la xiriira horumarinta iyo tayaynta warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Wafdiga uu hogaaminayay Agaasimaha Guud, Cabdirisaaq Bahlaawi ayaa u mahadceliyay safiirka casho sharafta uu u sameeyay wafdigiisa, isla markaan cadeeyay in tallooyinkiisa wax ku oolka la fulin doono hadii allaha awoodda leh uu ogolaado.

Wuxuu kaloo Agaasimuhu ka warbixiyay ujeedka booqashadooda Djibouti iyo iskaashiga ay la samaysanayso Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Djibouti iyo sidii loo sii dayn lahaa Weriye Soomaaliyeed Rooble Maxamed Dirir, oo ka shaqaynayay idaacadda Galmudug oo muddo sideed bilood ah ku xirnaa Djibouti.

Safiirka ayaa ka mahadceliyay booqashada iyo sida wafdiga agaasimuhu hogaaminayo u aqbalay soo jeedintiisa tayaynta telefishinka qaranka Soomaaliya.

IMG_6622 IMG_6625 IMG_6626 IMG_6627 IMG_6629

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyeeyay Dilka Taliyaha Qeybta Boliiska Sh Dhexe

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In