Saturday, January 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRRADA: Banaan bax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka, Xulashada
0
DAAWO SAWIRRADA: Banaan bax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banaan baxan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa isugu yimid taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaasi oo lagu taageeraayay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Isu soo baxan Nabadeed oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay  galay Guddoomiyaha Gobolka, kuxigeenadiisa, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Nabadoonno iyo dad weyne aad u fara badan.

Related posts

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026

Dadweynihii ka soo qeyb galay banaan baxan oo u badnaa haween ayaa watay calanka Soomaaliya, Sawirada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Nabadoon Axmed Diiriye iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah nabadoonadii ka qeyb galay dibadbaxaasi ayaa ka dalbaday Dowlada Cusub in ay ahmiyad gaar ah siiyaan daryeelka kor u qaadista tayada Ciidamada Qaranka.

Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Siyaasadda iyo amniga Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa si wada jir ah Barlamaanka uga codsaday inay garab istaagaan Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay siiyaan codka kalsoonida.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in xiligan Ummadda Soomaaliyed ay cagta saartay waddadii Dowladnimada iyo Horumarka, isla markaana ay ka gudubtay qabyaaladda, waxaana uu intaa ku daray inay taageerayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka.

Duniyo Maxamed Cali ayaa sheegtay in xukumadda cusub ee uu soo dhisayo Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre looga baahanyahy inay ka soo muuqdaan wajiyo cusub oo ay noqoto dowlad wanaag.

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 29

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka tanaasulay saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOME OIL AND GAS

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso "SAWIRRO"

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026   1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026

January 2, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026   1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u...

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

January 2, 2026
0

Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo joogta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In