Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Banaanbax looga soo horjeeday ciidamada shisheeye oo ka dhacay Bujumbura

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Banaanbax looga soo horjeeday ciidamada shisheeye oo ka dhacay Bujumbura
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay meelmariyeen qaraar boolis caalami ah loogu dirayo wadanka Burundi oo mudooyikan ay ka jireen dilal iyo xasarado siyaasadeed ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Bujumbura ee caasimada Burundi waxay isugu soo baxeen banaanbax ay uga soo horjeedan ciidamada dalkooda la geynayo.

Banaan-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah dowlada Faransiiska, oo soo gudbisay qaraarka uu Golaha Ammaanku isku raacay kaasoo dhigaya in dalkaasi loo diro 228 askari oo boolis ah.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Dowlada Burundi ayaa horey uga hor timid in ciidan shisheeye ah la keeno dalkeeda, iyadoo ku andacootay ineysan jirin sabab ciidamo shisheeye loo geeyo dalkaas.

Beesha caalamka ayaa ka walaacsan inuu dalkaas dib ugu laabto dagaalo sokeeye oo ka dhacay toban sano ka hor ka dib markii ay xiisado siyaasadeed kala qaybiyeen bulshada dalkaasi taasoo ka dhalatay markii Madaxweyne Nkurunziza uu mar saddexaad sanadkii hore isu soo taagay doorashada madaxtinimada, iyadoo Dastuurka dalkaas uu qorayo in madaxaweynaha labo jeer ka badan uusan isku soo taagi Karin xilka madaxweynaha.

Dad ka badan 500 oo ruux ayaa lagu dilay rabshado siyaasadeed oo dalkaas ka dhacayey illaa bishuu Juun ee sanadkii hore.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in dadka isu soo baxay ay yihiin taageerayaasha dowlada, aysana metelin codka dadweynaha wadankaas.

burundi1 burundi2 burundi3 burundi4 burundi5 burundi6 burundi7 burundi8 burundi9

Previous Post

Maxkamad ku taalla London oo xukuntay wiil Soomaaliyeed oo ku biiri rabay Daacish+Sawirro

Next Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay dad qurbe joog ah

Next Post
Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay dad qurbe joog ah

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay dad qurbe joog ah

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In