Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamad ku taalla London oo xukuntay wiil Soomaaliyeed oo ku biiri rabay Daacish+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maxkamad ku taalla London oo xukuntay wiil Soomaaliyeed oo ku biiri rabay Daacish+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wiil Soomaali ah oo Magaciisa lagu Sheegay Cubayd Xasan Jaamac oo 19 jir ah ayaa Maxkamad ku taala magaalaada London waxay ku xukuntay Saddex sano iyo Lix bilood oo xarig ah, kaddib markii lagu helay inuu ku biiri rabay kooxda Daacish.

Wiilkan ayaa lagu soo oogay dembiyo ay ka mid yihiin inuu Kharajka Jaamacadda u isticmaalay inuu ku raaco Diyaarad, si uu ugu biiro Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Cubayd Xasan Jaamac oo haysta dhalashadda dalka Finland ayaa Booliska Britain waxay bishii Feberaayo ee sannadkii hore soo qabteen isagoo la socday Dayuurad ku sii jeedday caasimadda dalka Romania ee Bukharest.

Booliska Britain ayaa sheegay in Cubayd Xasan Jaamac uu ahaa arday Cilmiga Kombiyuutarrada ka barta Jaamacadda Middlesex University, isla markaana ay ku qabteen caddeymo badan oo muujinaya inuu qorsheynayey inuu ku biiro Kooxda Daacish.

Guriga uu ku noolaa ardaygan oo ku yaalla Koofurta magaalada London ayaa saraashiisha Boolisku waxay sheegeen iney ka heleen Qoraallo muujinaya qaabka loo sameeyo bambooyinka qarxa, Filimo muujinaya Kooxda Daacish oo dad surka ka jartay ,qalab kale oo loo adeegsan karo in wax lagu dilo iyo maapka dalka Turkiga.

Waxaa kale oo la horkeenay Maxkamadda alaab uu sitay markii la qabanayay iyo Qoraallo uu wiilkani uu qoray oo muujinaya Liiska Shaqo ee uu dooran karo marka uu ku biiro Kooxda Daacish, kuwaasoo kala ah: Xarun Warbaahin, Kalkaaliye Isbitaal, Makaaniko, Waaxda farsamaysa Qaraxyadda, Macallim Madarasadda iyo Booliska Diinta iyo Tababare Milliteri.

alaabtii lagu qabtay-1

alaabtii lagu qabtay-2

alaabtii lagu qabtay-3

alaabtii lagu qabtay-7

Previous Post

Dowladda Kenya oo beesha caalamka ka dalbatay taakulaynta ciidanka AMISOM

Next Post

Daawo Sawirrada: Banaanbax looga soo horjeeday ciidamada shisheeye oo ka dhacay Bujumbura

Next Post
Daawo Sawirrada: Banaanbax looga soo horjeeday ciidamada shisheeye oo ka dhacay Bujumbura

Daawo Sawirrada: Banaanbax looga soo horjeeday ciidamada shisheeye oo ka dhacay Bujumbura

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In