Kulan ay isugu yimaadeen Bahda Saxaafada Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa lagu doortay Gudoomiye Ku xigeenka ururka Suxufiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug, kaddib xaflad ka dhacaday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalkamudug.
Qabashada xilka gudoomiye ku xigeenka ururka Suxufiiyinta Gobalka Mudug ayaa waxa isku soo sharaxay labo Wariye oo kala ahaa C/Xakiin Xasan Muuse (Zaciimka) iyo Cabdirisaaq Maxamed Ahmed oo Labaduba ka
Tirsan bahda Saxaafadda Gobalka Mudug.
Kulanka lagu dooranayay gudoomiye ku xigeenka ururka Suxufiiynta gobalka Mudug ee Galmudg aya waxa goob Joog ka ahaa qaar ka mid ah Agaasimayasha idaacadaha ku yaala magaalada Galkacyo iyo qaar ka mid ah
Bahda Saxaafadda Gobalka.
Doorashada oo ahayd mid Xamaasad lah ayna labada Musharax soo bandhigayeen wax qabadkooda haddii ay guuleystaan ayay qudbado ay madasha Doorashada ka jeediyeen ku balan qaadeen in ay wax weyn ka badali doonaan Tayada Suxufiyiinta ka howlgala Gobalkamudug.
Doorashada ayaa ahayd mid Xubnihii Wariyayaasha ahaa ee Codeynayay ay ku dhiibanayeen Codkooda hab qarsoodi ah taa oo aad loo xaqiijinayay hanaanka Codeynta iyo sida xubinku u codeynayo gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug Burhaan C/laahi Xaashi ayaa ku dhawaaqay Natiijada Wuxuuna Sheegay in ay codeeyen 16 wariye, wuxuuna shaaciyay qaabka ay codadka u kala heleen Labada Musharax, G
Gudoomiye ayaa Yiri “11-cod waxaa helay Cabdi Risaaq Maxamed Ahmed 4 Cod waxaa helay C/xakiin Xasan Muuse (Zaciimka) 1 cod wuuu halaabay sidaasna waxa ay guushu ku raacday wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed sidaana wuxuu yahay gudoomiye ku xigeenak ururka Saxafiiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug”.
Kadib Markii lagu Dhawaaqay Natiijada aya waxa saxaafada la hadlay gudoomiye ku xigeenak ururka Saxafiiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug C/risaaq Maxamed Ahmed, waxana uu sheay in uu diyaar u yhay wada shaqayn iyo iskaashi Horumarineed ee Saxafada Gobalka Mudug waxana uu u mahad Celiyay Dhamaan inti Codka Siisay iyo Sidoo kale intii aanan siinin waxana uu balan Qaaday in uu ka shaqayn doono horumarka Saxafiiyiinta Gobalka Mudug ee Galmduug.
Sidoo kale waxaa saxaafada isna la hadlay C/xakiin Xasan Muuse Zaciimka oo isna ahaa Musharaxii Xilka looga Guulaystay waxaana uu shaca ka qaaday in uu diyar u yhay in uu la Shaqeeyo ururka saxafiyiinta Gobalka Muduge e Galmudug.
Ugu danbeyn munaasabada aya waxa ay ku soo dhamaatay jawi deggan iyado wariyayaashii goobta ku sugnaaa ay Dhamaan soo dhaweeyeen doorashadii maanta halkaasi ka dhacday isla markaana ay wariye Cabdirisaaq u rajeeyeen in uu Allaah la garabgalo Xilkaas Culus.