Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRRADA: Dowladda Jabuuti oo 1 Milyan Dollar ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay musiibadii Soobe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Dowladda Jabuuti oo 1 Milyan Dollar ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay musiibadii Soobe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdani lacageed oo dowladda Jabuuti ay ugu talagashey in lagu gar gaaro dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii 14kii October ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka, taasi oo cadadeedu dhan 1 Milyen oo Dollar.

Waxaa goob joog ka ahaa wareejinta deeqdaasi lacageed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxaana Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo lacagtaasi ku wareejiyay guddiga gurmadka Qaran uu sheegay in ay tahay lacag ay iska soo uruuriyeen shacabka reer Jabuuti oo ka dambqaday walaalohoodi dhibaataysan.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu ku hadlay magaca guddiga ayaa sheegay in ay guddoomeen deeqdaasi lacageed islamarkaana lagu taakulayn doono dadkii musiibadaasi saameysay kana mahadceliyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladihii ugu horeyeey oo gar gaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir gurmad ahba u soo direy Soomaaliya maalimo kadib markii uu dhacay qarixii Soobe,kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Next Post

PRESS STATEMENT FOR THE UNIVERSAL CHILDREN’S DAY, 2017

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab

PRESS STATEMENT FOR THE UNIVERSAL CHILDREN’S DAY, 2017

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In