Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Dugsi sare oo laga dhisay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Dugsi sare oo laga dhisay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda waxbarashada dawlad goboleedka Galmudug ayaa gudiga waxbarashada deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ku wareejisay  Iskuul sare oo dhismihiisa la soo gabangabeeyay.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Galmudug , kormeerayaal ka tirsan wasaarada, maamulka deegaanka Baxdo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay munaasabadda wasaaraddu ku wareejinaysay dhismaha Iskuulkan sare oo ay maalgalisay USAID.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Xasan Salaad  Sabriye Xoghayaha arrimaha bulshada magaalada Baxdo ayaa sharaxaad ka bixiyay qaybaha Iskuulkan uu ka koobanyahay, kuwaas oo kala ah 4-fasal, 2-xafiis iyo 8-musqulood, dhul baaxad wayna oo uu ku fadhiyo.

Jaamac Cali Salaad oo ka tirsan gudiga waxbarashada magaalada Baxdo ayaa sheegay in dhismaha Iskuulkan uu wax badan ku soo kordhinayo waxbarashada magaalada, iyadoo aradada dugsiyada sare oo horay meel dayacan wax ugu baran jiray ay hadda helayaan meel ku haboon waxbarashada.

Axmednuur Cusmaan Cali agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dawlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dhismaha Iskuulka sare ee Baxdo uu ka mid yahay mashruux iskuulo badan looga dhisayo degmooyin badan oo Galmudug ah.

Dhismaha Iskuulka sare ee magaalada Baxdo ayaa ka mid ah mashaariicda hormarineed ee sanadkan hirgalay, kaas oo wax wayn ka taraya baahiyada waxbarasho ee deegaanka.

DSC0010 DSC00106

DSC00403

DSC00415

DSC00407

DSC00104

Maxamuud Cabdi Diirshe Cadaado

Previous Post

Dhallinyaro deeq raashin ah gaarsiisay dad ka barakacay dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Sool+Sawirro

Next Post

Horumarinta deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud oo laga shiray+Sawirro

Next Post
Horumarinta deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud oo laga shiray+Sawirro

Horumarinta deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud oo laga shiray+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In