Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Farxadda ay ku ciideen gabdhaha agoonta Boondheere

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Farxadda ay ku ciideen gabdhaha agoonta Boondheere
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha degmada Boondheere mudane Qaasin C/llaahi, gudoomiyihii hore ee degmadaasi C/llaahi Xirsi Wardheere “Istakiin” ahna mudane ka tisan Baarlamanka maamul goboleedka Galmudug, araday ka tirsan Jaamacadda SIMAD iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta la ciiday gabdhaha agoonta ah ee ku jira xarunta xannaanada agoonta gabdhaha Boondheere.

Gabdhaha agoonta ah ee ku jira xarunta xannaanada Gabdhaha agoonta Boondheere ayaa maanta si farxad leh ku ciiday, iyagoo isugu soo baxay barxadda xarunta, halkaasina ku soo bandhigay ciyaaro iyo heeso waddani ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Maamulka xaruntaasi ayaa caruurta u qeybiyay macmacaan, isugu jiray xalwo iyo Buskut, waxaana loo qalay dhowr neef oo ari ah, sidoo kale waxaa loo qeybiyay lacago kaash ah.

Maamulaha xaruntaasi Marwo Nuurto Jaamac ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay marwada koobaad ee madaxweynaha Qamar Cali Cumar oo ay sheegtay iney markasta taageero dhinacyo badan la garab taagantahay agoonta, si gaar ah waxey u xustay in macmacaanka caruurta loo qeybiyay ay bixisay marwo Qamar Cali Cumar.

Sidoo kale maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto waxey u mahadcelisay ardayda jaamacadda SIMAD oo ay sheegtay iney bixiyeen xoolaha maanta loo qalay agoontaasi, iyadoo intaasi ku dartay iney taageero kala duwan u fidiyaan agoontaasi.

Guddoomiyaha degmada Boondheere mudane Qaasin Cabdulaahi ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay mudnaanta koobaad siinayaan daryeelka agoontaasi, sidaasi darteedna uu maanta go’aansaday in farxadda ciidda uu la wadaago gabdhaha agoonta ah.

Dhinaca kale wuxuu u mahadceliyay maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto iyo cid kasta oo caruurtaasi soo taageertay, isagoo ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda ay adduun iyo aakhiraba u leedahay daryeelka agoonta Soomaaliyeed.

Dhawaan ayeey aheyd markii madaxweynaha J. F. Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xarigga ka jaray dhismo cusub oo dowladda Jabuuti ka hirgelisay xaruntaasi.

DSC06050 DSC06045 DSC06041 DSC06039 DSC06035 DSC06036 DSC06035 DSC06028 DSC06030 DSC06028 DSC06027 DSC06027 DSC06024 DSC06014

DSC06051

DSC06065

DSC06064

DSC06067

DSC06066

DSC06068

DSC06071

DSC06052

DSC06029

DSC06043

DSC06031

DSC06054

 

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga”Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha: “Is-xilqaan iyo in la isku tashado ayay ka dhalatey bilicsamida ka muuqata Xabsiga Dhexe”+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha: “Is-xilqaan iyo in la isku tashado ayay ka dhalatey bilicsamida ka muuqata Xabsiga Dhexe”+Sawirro

Madaxweynaha: "Is-xilqaan iyo in la isku tashado ayay ka dhalatey bilicsamida ka muuqata Xabsiga Dhexe"+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In