Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Is-xilqaan iyo in la isku tashado ayay ka dhalatey bilicsamida ka muuqata Xabsiga Dhexe”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Is-xilqaan iyo in la isku tashado ayay ka dhalatey bilicsamida ka muuqata Xabsiga Dhexe”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Xabsiga Dhexe ee Muqdisho uu ka muuqdo gudashada waajibaadka saxda ah ee loo igmadey ee ah dhaqan-celinta bulshada.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo uu maanta booqday, halkaas oo uu ku kormeeray qaybo ka mid ah xabsiga iyo adeegyada kala duwan ee ka socda.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

July 14, 2026

“Is-xilqaan iyo in la isku tashado ayay ka dhalatey bilicsamida ka muuqata Xabsiga Dhexe. Waxaan halkan ka baraneynaa cashar ah in ummad walba ay iskeed wax u qabsan karto, haddii ay talo iyo waxqabad la yimaadaan. Waxaana hubaal ah in nidaamkan iskaa wax u qabso uu noqon karo mid gacan ka geysta dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in adeegyada ka jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ay yihiin kuwo dhiirigelinaya in si hufan loo guto waajibaadka loo abuuray xabsiga ee ah dhaqan toosinta, dhaqan-celinta bulshada iyo in ciqaabta ay mudnaayeen lagu mariyo kuwa sharciga jebiya ee dembi ay ku caddaato.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ku ammaaney Taliska Ciidanka Asluubta, dadaalka dheeriga ah ee uu muujiyay ee uu dib ugu hawlgeliyey qaar ka mid ah warshadihii uu lahaa, dib u soo nooleynta xarumaha agoonta iyo dhalinta dhaqan-celinta u baahan iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

“Maadaama dib loo hawlgeliyay hawlihii kala duwanaa ee Taliska Ciidanka Asluubta sida sameynta qalabka guryaha iyo xafiisyada la dhigto, tolidda dharka kala duwan ee dugsiyada iyo ciidammada, waxaa lagama maarmaan ah in la dhiirigeliyo wax soo saarka dalka. Waxaan farayaa hay’adaha kala duwan ee dowladda gaar ahaan Golaha Wasiirada iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso inay soo saaraan xeer faraya in xafiisyada dowladda iyo dugsiyada ay dharka iyo qalabka xafiisyada iyo guryaha ka iibsadaan Taliska Ciidanka Asluubta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tallaabadaasi ay horseedi karto shaqo abuur iyo in la dhiirigeliyo wax soo saarka gudaha.
Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ammaan u jeediyay Wasaaradda Cadaaladda iyo Taliska Ciidanka Asluubta dadaalka ay ugu jiraan dib u habeynta hawlaha garsoorka iyo dhaqan-celinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la dardaarmey maxaabiis gaareysa 93 oo cafis loo fidiyey, isagoo ku boorriyay inay ka shaqeeyaan wanaagga iyo dib u dhiska waddanka.

e7b1f926-526e-4c75-993b-cea64a6df927 c690627b-adf8-4695-89c5-99f5527a7dac ac8b6beb-3046-4241-b560-3bc752c40c28 79972aee-00a3-4fea-9a5f-d2fdbe595fb9 769d4ce9-49f6-4159-9d5d-4f87414849d3 98bc53bc-247c-4042-9f19-b75a7a84b286 2db0fd2c-4a30-4128-a672-737f8c15f9ea

Previous Post

Daawo Sawirrada: Farxadda ay ku ciideen gabdhaha agoonta Boondheere

Next Post

DAAWO SAWIRO: Damaashaadka Ciida ee Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi

Next Post
DAAWO SAWIRO: Damaashaadka Ciida ee Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi

DAAWO SAWIRO: Damaashaadka Ciida ee Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

July 14, 2026
0

Hey’adda SoDMA ayaa maanta degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose, ka daahfurtay wajiga koowaad deeq gargaar raashin ah oo lagu...

Shir Looga Hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir

Shir Looga Hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir

July 14, 2026
0

Shirkani oo uu shir Guddoominayay Ku-xigeenka Duqa magaalada ee Maamulka iyo Maaliyadda ahna Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka...

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

July 14, 2026
0

Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo burburin ah ka fuliyay deegaannada Lafa-gari, Xabala Afwaax, iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In