Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada Gabdhihii ay Boko Xaraam afduubatay Labo sano ka hor maanta oo kale

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 14, 2016
in Wararka
0
Daawo Sawirrada Gabdhihii ay Boko Xaraam afduubatay Labo sano ka hor maanta oo kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta waxaa laba sano laga joogaa markii dagaalyahannada Boko Xaraam 276 gabdhood ay ka afduubteen iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee Waqooyi Bari Nigeria.

57 ka mid ah gabdhahaasi ayaa soo baxsaday, balse ilaa hadda waxaa la la’ yahay 219 kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Afduubka gabdhaha Chibok ayaa si weyn uga careysiiyay caalamka, in kasta oo cadaadis xooggan la saaray dowladda Nigeria, haddana lama yaqaano halka ay ku sugan yihiin gabdhahaasi.

Magaalada Chibok ayaa laba sano ka hor maanta oo kale waxa ay qabsatay cinwaannada warbaahinta caalamka.

dagaalyahannada Boko Xaraam ayaa galay iskuulka ay gabdhaha dhiganayeen, waxaana ay ku ka xaysteen gawaari, iyaga oo la aaday keymaha ka baxsan magaaladaasi.

Arrintaa ayaa noqotay mid aad uga careysiiysay caalamka oo dhan, dhalisayna olole baraha bulshada ka socday oo loogu magacdaray “soo celiya gabdhaheena”.

Dhacdadan ayaa waxa ay iftiimisay waxyaabaha arxandarada ah ee ay kooxdaasi ka geysaneysay Waqooyi Bari Nigeria.

Waalidiinta ay gabdhaha ka maqan yihiin ayaanan quusan, oo qaarkood ayaa sheegaya in xaaladkasta oo ay ku sugan yihiin ay jeclaan lahaayeen in gabdhahooda ay maalin un usoo gurya noqdaan.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Boko Xaraam in ay gabdhahaasi xoriyadooda siiyaan, isla markaana ay kooxdu joojiso weerarrada iyo dilalka ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Warbaahinta Nigeria ayaa dhawaan sheegtay in Boko Xaraam ay dalbatay lacag madax furasha ah si ay usii dayaan gabdhaha iskuuleyda ah ee Chibok ee ay laba sano ka hor qafaasheen.

gabdhaha16 gabdhaha15 gabdhaha14 gabdhaha13 gabdhaha12 gabdhaha10 gabdhaha11 gabdhaha9 gabdhaha8 gabdhaha7 gabdhaha4 gabdhaha3 gabdhaha

Xigasho Sawirada CNN

Previous Post

Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka dalka oo maanta la kulmay Wakiilada Waddamada Faransiiska ,Maraykanka iyo Ingriiska

Next Post

Maamulka gobolka oo tartansiiyay ardayda dugsiyada gobolka Banaadir”Sawiro”

Next Post
Maamulka gobolka oo tartansiiyay ardayda dugsiyada gobolka Banaadir”Sawiro”

Maamulka gobolka oo tartansiiyay ardayda dugsiyada gobolka Banaadir”Sawiro”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In