Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Ganacsato Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo boob loogu geystay dalka K/Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Ganacsato Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo boob loogu geystay dalka K/Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tuulooyin hoos yimaada magaala madaxda Dalka K/Afrika ee Pretoria oo maalmihii ugu dambeyay boob iyo barakac loogu geystay ganacsatada Qoxootiga ku ah dalkaasi ayaa hadda deggan, waxaana jira dhalinyaro dhaawacyo soo gaareen intii ay socdeen rabshadahaasi.

Tuulooyinka boobka loo geystay oo gaarya ilaa shan Tuulo ayaa waxaa Ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen dukaamo iyadoo ay soo gaareen khasaaro lixaad leh.

Related posts

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

February 18, 2026

Dukaamada la boobay ayaa waxaa lagu qayaasaa ilaa sedex boqol oo isugu jira dukaamo waa weyn iyo kuwa yar yar oo ay lahaayeen Soomaalida, iyadoo dhinaca kale boob ceynkaasi ah loo geystay Qoxootiyada kale sida Ethiopian,Bangaladesh,iyo Pakistan waxaana cagta mariyay dad ka careysan Duqa magaalada Pretoria oo loo magacaabay gabar kasoo jeeda Gobolka Kwazulu Natal.

Axmed Ibrahim Xanshi oo ka mid ahaa dhalinyaradii dhaawaca halista ah kasoo gaaray, ayaa Radio Muqdisho u sheegay in looga tagay meyd ahaan,  balse markii dambe ay u soo gurmadeen Soomaali meelo fog fog ka timid.

“Waxaan dukaanka ku joognay afar dhalinyaro oo aan isla laheen xilli duhur ah inagoo dukaanka dhex joogno ayaa mar qura ina  soo gaaray dad badan oo xoomaya kadib ayay nagu bilaabeen dhagaxaan iyo ulo anigu markaa baa miyir iigu dambeysay” ayuu yiri dhibbane Axmed.

Saleyman Maclin Xuseen oo ka mid ahaa madaxda Jaaliyadda Somali Communty Board ee gurmadka u sameysay ayaa isna sheegay inay jiraan dad qoysas ah oo boob xoogan loo geystay oo hadda ku sugan Xaafadda Pretoria Weste ee Soomaalida u badantahay.

Ganacsatada Soomaalida ee sedexdii maalmood la soo dhaafay lagu boobay Tuulooyinka dhaca magaalada Pretoria ee K/Afrika ayaa qayaas ahaan waxay ku waayeen hanti gaaraysay dhowr malyan oo rand ka dalkaasi ah oo u dhigma boqol kun oo dollar.

DSCN0949

DSCN0944

DSCN0953

Previous Post

Horumarinta deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud oo laga shiray+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo aqbaley xil ka qaadista iyo magacaabista xubno ka tirsan Golaha Wasiirada

Next Post
Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha oo aqbaley xil ka qaadista iyo magacaabista xubno ka tirsan Golaha Wasiirada

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay saacadaha shaqada inta lagu jiro bisha barakeysan ee...

Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

February 18, 2026
0

Budapest, Hungary – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka Jarmalka iyo Poland, Mudane Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadan), ayaa si...

Madaxweynaha JFS oo baaq ku aaddan Gurmadka Abaaraha u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo baaq ku aaddan Gurmadka Abaaraha u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed

February 18, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda...

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In