Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”, iyo ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar “Camey” ayaa magaalada Garowe shir kula kulmay qurbe joogta Puntland.
Ujeedada shirka ayaa la xiriirey sidii ay u kala war qaadan lahaayeen qurbe joogta iyo maamulka isla markaana ay talooyinkooda la xiriira is kaashiga horumarka dalka ugu soo gudbin lahaayeen maamulkaasi.
Madaxweynaha Puntland oo shirkaasi ka hadlay ayaa qurbe joogta ku ammaanay doorkooda horumarineed ee ay dalka ka geystaan isla markaana waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Dr. C/weli Gaas ayaa ku boorriyey qurbe joogta Puntland in ay maal-gashadaan dalka kana qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay waddanka kusoo kordhiyaan warshado wax soo saara si kor loogu qaado ganacsiga dalka.
Qurbe joogta ayaa Madaxweynaha weydiiyey su’aalo la xiriira shuruucda iibka dhulka, shuruucda baabuurta iyo waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, qandaraasyada iyo habka ugu wanaagsan ee ay door ugu yeelan karaan ka qayb qaadashada horumarka dalka, iyadoo madaxweyne Gaas ka jawaabey dhammaan weydiimahaasi.