Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Daawo Sawirrada: Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed laguna daah furaayay Hay’adda Samadoon foundation ee uu Sheekh Shariif Aas ayaa lagu qabtay dalka Turkiga.

Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen MidowgaΒ  Ardayda Soomaaliyed ee wax kabarata dalka Turkiga ayaa waxay ay ka dhacday caasimadda dalkaasi Turkiga ee Ankara.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026

Waxaa ka soo qayb galay xaflada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Β Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socday oo uu ugu horeeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Abdullaahi Maxamed Ali (Sanbaloolshe ) Δ±yo sidoo kale guddoomiyaha Hay’adda Samadoon FoundatΔ±on Profosoor Warfaaa.

Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay xafladda dhamaan shaqaalaha safaaradda, ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalooyinka kala duwan ee dalka Turkiga, jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool magaaladda Ankara iyo  marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wafdi ka socdo xisbiga haya talada dalkaTurkiga   ee AKP ee uu hogaamiye madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Xafladda oo si qurux badan u dhacday ayaa waxaa qudbado ka jeediyay mas’uu liyiintii ka soo ayb gashay, Β iyadoo sidoo kale xafladda laga soo jeediyay gabayo ar ardayda soo diyaariyeen oo lagu bogaadiyay mudane Sheekh Shariif iyo wixi uu ka soo qabtay dalka Soomaaliya iyo inuu wali u taaganyahay inuu sii wado wax u qabashada wadankiisa Soomaaliya.

Ardaydi xafladda ka hadashay ayaa sheegay in ay taageersanyihiin madaxweynihii hore ugana mahad celihaayaan xiriirka wanaagsan ee Turkiga iyo Soomaaliya ka dhaxeeeyo oo uu sabab u ahaay sidoo kale wax barashada ay ka heleen dalka Turkigana ay abaal weyn uga haayaan Madaxweyne Sheekh Sharii f oo sabab u ahaay in ay helan wax barasha iyo nolol lacag la’aan ah.

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Β Abdullaahi Maxamed Ali (Sanbaloolshe ) oo sheegay in uu madaxweynaha wadanka soo hoggaamiyay xilli adag wadankana uu soo gaarsiiyay meel Β lagu fani garo, isagoo u sheegay madaxweynahana in ay guul la taabankaro gaareen ardaydi uu wax barashada u soo diray oo ay qaybo ka mid ah qalin jebiyeen qeyb ka mid ahna ay sanadaha soo socdo qalin jebinaayaan.

Ugu dambeyntiiΒ  waxaa xafladda ka hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay kaΒ  soo jeediyay xafladda, waxaa uuna sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay inuu arko ardaydii uu wax barashada u soo diray oo guuleysatay intooda badam wax barashada u dhamaato inta dhimanna uu guul u rajeynaayo, Β waxaa uu sidoo kale kula dardaarmay ardayda in ay wadankooda ku laabtaan marki ay wax barashada u dhamaato,

β€˜β€™ haddi ay wax barashada i diin dhamaato waxaan idin kula dardaarmaa inaad wadankiina ku laabataan oo aad ummaddiina u qidmeysaan, waa ay idin baahantahay waxaan maqlay warar sheegaayo in qaar idinka mid ah ay ku fikiraayaan inay marki ay shahaaddada qaataan ay horey u sii socdaan horay inaad aaddaan micno ma soo kor dhineyso, Β waxaaad dhex geleysaan ummad 10 fac iyo in ka badan ay jaamacaddo soo dhigahaayeen, waad ku dhex dhumeysaan xitaa la qabsiga ayaa dhib idinku noqon doono mana ka soo dhex muuqan kareysiin, lakin wadankiini iyo dadkiini waa idin bahanyihiin wax baddan waa ka bedeli kareysaan hadaad Β is kaashataan β€˜β€™ ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Waxa uu sidoo kale madaxweynaha ardayda ku baraarujiyay in aysan caawinaad cidna ka sugin ee ay ayagu is caawiyaaan aynaΒ  ka qeyb qaataan Hay’adda Samadoon Foundation oo ay noqdaan dadka hormuudka ka ah is caawinaadda iyo is garab qabashada.

Su’aalihii ay ardaydu weydiiyeen mudane Sheekh Shariif Β waxaa ka mid ah ahaa β€œMudane madaxweyne siyaasadda iyo hoggaanka dalka dib ma ugu soo laabaneysaa”   waxa uu ku jawaabay raggi iga dambeeyay haddi ay iga fiic naadaan waa iska joogaa lakin haddii ay amaani ka soo yeri weyso waan soo socdaa.

Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha waxaa lagu guddoon siiyay shahaadda sharaf taa oo looga mahad celihaayay wax barashada ay ardaydu ka heshay walaalaha Turkiga iyo xiriirka wanaagsan ee ay Turkigu la leeyihiin dalka Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed

Previous Post

Bankiga Adduunka Oo Bogaadiyay Hufnaanta Nidaamka Maaliyaddeed ee dalka+Sawirro

Next Post

Daawo sawirrada: Arday ka qalin jebisay jaamacadda Jamhuuriya oo shahaaddooyin la guddoonsiiyay

Next Post
Daawo sawirrada: Arday ka qalin jebisay jaamacadda Jamhuuriya oo shahaaddooyin la guddoonsiiyay

Daawo sawirrada: Arday ka qalin jebisay jaamacadda Jamhuuriya oo shahaaddooyin la guddoonsiiyay

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In