Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Taliyaha booliska oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Cadaado

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Taliyaha booliska oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda lagu soo dhawaynayo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Xafladaasi oo ay ka qeyb galay Madaxwaynaha Maamul- goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug, Saraakiil Boolis oo heer Federaal ah iyo kuwa Galmudug, ilaa 400 oo Boolis  Galmudug loo tababaray iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Taliska Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ku ammaanay Maamulka Galmudug kaalinta mugga leh ee uu ka qaatay tababarka Ciidanka Booliska Maamulkaasi.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Sh Xasan Xaamud waxaa kaloo uu sheegay in Talisku ku rajo weyn yahay in Booliska Gobolada la hormariyo, isagoo xusay in tababarkan Cadaado lagu soo xiray uu ahaa mid ay fuliyeen oo kaliya Galmudug iyo Booliska Federaalka.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Galmudug ugu deeqay qalabka isgarsiinta Booliska, kaasi oo hirgalintiisa ay si wada jir ah u fureen madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Xaamud.

Taliyaha Booliska Galmudug C/casiis Aaden Dhagabadan ayaa fursad muhiim oo laga sii amba qaadi karo ku tilmaamay Ciidamadan tababarka loo soo gabangabeeyay, balse wali loo sii baahan yahay tababaro iyo qalabayn Boolisku helo.

Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u mahadceliyay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Macalimiintii tababarkaasi bixiyay, isagoo shahaado sharaf gudoonsiiyay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

cadaado1 cadaado2 cadaado3 cadaado-640x426 sa xamud xamud1 xamud2 xamud3 xamud4 xamud5 xamud6

Previous Post

Guddiga Doorashada Dadban oo Liisaskii musharaxiinta aqalka sare dib ugu celiyay maamullada qaar

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo Jowhar kulan kula qaatay duubabka HirShabelle+Sawirro

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha oo Jowhar kulan kula qaatay duubabka HirShabelle+Sawirro

Wasiirka arrimaha gudaha oo Jowhar kulan kula qaatay duubabka HirShabelle+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In