Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Taliyaha booliska oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Cadaado

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 10, 2016
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Taliyaha booliska oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda lagu soo dhawaynayo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Xafladaasi oo ay ka qeyb galay Madaxwaynaha Maamul- goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug, Saraakiil Boolis oo heer Federaal ah iyo kuwa Galmudug, ilaa 400 oo Boolis  Galmudug loo tababaray iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Taliska Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ku ammaanay Maamulka Galmudug kaalinta mugga leh ee uu ka qaatay tababarka Ciidanka Booliska Maamulkaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Sh Xasan Xaamud waxaa kaloo uu sheegay in Talisku ku rajo weyn yahay in Booliska Gobolada la hormariyo, isagoo xusay in tababarkan Cadaado lagu soo xiray uu ahaa mid ay fuliyeen oo kaliya Galmudug iyo Booliska Federaalka.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Galmudug ugu deeqay qalabka isgarsiinta Booliska, kaasi oo hirgalintiisa ay si wada jir ah u fureen madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Xaamud.

Taliyaha Booliska Galmudug C/casiis Aaden Dhagabadan ayaa fursad muhiim oo laga sii amba qaadi karo ku tilmaamay Ciidamadan tababarka loo soo gabangabeeyay, balse wali loo sii baahan yahay tababaro iyo qalabayn Boolisku helo.

Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u mahadceliyay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Macalimiintii tababarkaasi bixiyay, isagoo shahaado sharaf gudoonsiiyay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

cadaado1 cadaado2 cadaado3 cadaado-640x426 sa xamud xamud1 xamud2 xamud3 xamud4 xamud5 xamud6

 

Previous Post

Guddiga Doorashada Dadban oo Liisaskii musharaxiinta aqalka sare dib ugu celiyay maamullada qaar

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo Jowhar kulan kula qaatay duubabka HirShabelle+Sawirro

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha oo Jowhar kulan kula qaatay duubabka HirShabelle+Sawirro

Wasiirka arrimaha gudaha oo Jowhar kulan kula qaatay duubabka HirShabelle+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In