Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirradda Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal Soomaalida Mareykanka ayaa lagu qabtay Magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirradda Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal Soomaalida Mareykanka ayaa lagu qabtay Magaalada Columbus ee gobolka Ohio.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida oo isaga kala yimid Gobolada dalka Maraykanka ayaa soo buux dhaafiyay xaflada dhalashada Nebigeena Suuban (NNKH) kuwaas oo isugu jiray Culumaa’udiin,dhalinyaro,Haween iyo Caruur ay waalidkoodu la yimaadeen goobta si ay u baraan dhaqankii iyo Sunadii wanaagsaneyd ee Nebi Muxamed.

Culumaa’iinkii ka hadlay taariikhdii dhalashada ee Nebiga (NNKH) oo ay ku jireen kuwo aan Soomaali ahayn ayaa ku dheeraaday sida ay muqadas ama lagama maarmmaan u tahay in la barto sunadii Nebiga iyo saxaabadiisii loogana baahan yahay waalidiinta qoysaska Muslimka gaar ahaana Soomaalida in ay caruurtooda ku ababiyaan ayna baraan wadadii Rasuulkeena SCW.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Qaar ka mid ah Culimadii xaflada ka hadashay ayaa carabka ku adkeeyey dhibaatooyinka iyo falalka ay geysanayaan dad ku andacooda in ay Islam yihiin ee loogeysto dad Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslim ahayn,taas oo ay ku tilmaameen in aysan marnaba qeyb ka ahayn dhaqanka iyo Sunadii Nebi Muxamed SCW loona baahan yahay in si cad looga soo horjeesto falalkaas guracan ee ka dhan ka ah Diinta Islaamka, ayagoo tusaale u soo qaatay qaraxii lala beegsaday Masaajid ku yaala Dalka Masar oo ay ka dhaceysay Xaflad midaan oo kale ah.

Caruur ay da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa 15 jir oo kaga qeyb galay Munaasabada lagu wenaynayo dhalashada Nebiga SCW su,aalo iyo jawaabo ku saabsan taariikhda suuban ee Islamka ayaa soo jiitay dareenka ka soo qeyb galayaasha ayagoo si qurux badan u soo bandhigay Taariikhda dhalashada Nebiga oo dhameystiran.

Isu imaatinada lagu weynaynayo dhalasha nebigeena Muxamed SCW ayaa lagu qabtaa caalmka oo dhan waxaana lagu tilmaamaa in ay muhiim u tahay Ummada Muslimiinta si aan maanka looga saarin ku dayashadda tilmaamihii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee Rasuulka SCW.

Bashir Tajir

Previous Post

Munaasabad lagu xusayay maalinta Macalinka Somaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Siddee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

Next Post
Siddee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

Siddee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In