Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirradda Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal Soomaalida Mareykanka ayaa lagu qabtay Magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

November 26, 2017
in Wararka
0
Daawo Sawirradda Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal Soomaalida Mareykanka ayaa lagu qabtay Magaalada Columbus ee gobolka Ohio.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida oo isaga kala yimid Gobolada dalka Maraykanka ayaa soo buux dhaafiyay xaflada dhalashada Nebigeena Suuban (NNKH) kuwaas oo isugu jiray Culumaa’udiin,dhalinyaro,Haween iyo Caruur ay waalidkoodu la yimaadeen goobta si ay u baraan dhaqankii iyo Sunadii wanaagsaneyd ee Nebi Muxamed.

Culumaa’iinkii ka hadlay taariikhdii dhalashada ee Nebiga (NNKH) oo ay ku jireen kuwo aan Soomaali ahayn ayaa ku dheeraaday sida ay muqadas ama lagama maarmmaan u tahay in la barto sunadii Nebiga iyo saxaabadiisii loogana baahan yahay waalidiinta qoysaska Muslimka gaar ahaana Soomaalida in ay caruurtooda ku ababiyaan ayna baraan wadadii Rasuulkeena SCW.

Related posts

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022

Qaar ka mid ah Culimadii xaflada ka hadashay ayaa carabka ku adkeeyey dhibaatooyinka iyo falalka ay geysanayaan dad ku andacooda in ay Islam yihiin ee loogeysto dad Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslim ahayn,taas oo ay ku tilmaameen in aysan marnaba qeyb ka ahayn dhaqanka iyo Sunadii Nebi Muxamed SCW loona baahan yahay in si cad looga soo horjeesto falalkaas guracan ee ka dhan ka ah Diinta Islaamka, ayagoo tusaale u soo qaatay qaraxii lala beegsaday Masaajid ku yaala Dalka Masar oo ay ka dhaceysay Xaflad midaan oo kale ah.

Caruur ay da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa 15 jir oo kaga qeyb galay Munaasabada lagu wenaynayo dhalashada Nebiga SCW su,aalo iyo jawaabo ku saabsan taariikhda suuban ee Islamka ayaa soo jiitay dareenka ka soo qeyb galayaasha ayagoo si qurux badan u soo bandhigay Taariikhda dhalashada Nebiga oo dhameystiran.

Isu imaatinada lagu weynaynayo dhalasha nebigeena Muxamed SCW ayaa lagu qabtaa caalmka oo dhan waxaana lagu tilmaamaa in ay muhiim u tahay Ummada Muslimiinta si aan maanka looga saarin ku dayashadda tilmaamihii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee Rasuulka SCW.

Bashir Tajir

Previous Post

Munaasabad lagu xusayay maalinta Macalinka Somaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Siddee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

Next Post
Siddee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

Siddee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed...

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Masuuliyiinta ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In