Dhibane Aweys Xuseen Cilmi oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano jir ah ayaa ku xunuunsanaya magaalada Muqdisho waxuuna la ildaranyahay cudurka cancerka waxeyna dhakhaatiirta ay sheegeen in aan gudaha Dalka waxba looga qaban karin uuna u baahanyahay Caafimaad dibadda ah aweys ayaa laga keenay xerada qaxootiga kaakuma ee dalka Kenya.
Dhibane aweys ayaa la xanuunsanaya cudurkan mudo laba sano ah wuxuuna ka soo jeedaa qoys sabool ah oo aan awoodin in ay daweeyaan wiilkooda xaalafdiisa caafimaadna wey ka sii dareysaa waxey ii sheegeen ehelada wiilkan xanuunsanaya in uu ku aruuray sariirta isla markaana habeen iyo maalin aan laga hooyaneynin isagana uusan seexan xanuunka haya dartiis.
Hooyo Qadro Maxamed Faarax oo dhashay wiilkan xanuunsanaya ayaa ka codsatay dhamaan umadda soomaaliyeed ganacsatada bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dowlada federaalka soomaaliya in gacan laga siiyo sidii wiilkeeda uu ugu heli lahaa caafimaad dibadda ah maadaama aysan haysan wax dhaqaala ah ayna yihiin qoys sabool ah.
DR Xusen Abshir Xasan oo ah dhakhtarkii la tacaalayay daweynta wiilkan yar ayaa cadeeyay in wiilkan uu qaba cudurka cancerka isla markaana Dalka gudahiisa aan waxba looga qaban karin wuxuuna u soo jeediyay bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii Caafimaad dibadda ah loogu heli lahaa wiilkan.
Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii ay u soo bandhigi lahayd dadka qaba dhibaatooyinka sida Cudurada halista ah iyo baahiyada gaarka ah iyadoo ay xusid mudan tahay in qaarkood ay heleen Caawimaad deg deg ah oo ay fidiyeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka danqaday.
By Wariye Muuse Cismaan Abtow