Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirro+Rabshado xoog leh oo ka socda Qudus iyo Falastiiniyiinta oo gubey calamada Mareykanka iyo Israel

caqiil by caqiil
December 8, 2017
in Wararka
0
Daawo Sawirro+Rabshado xoog leh oo ka socda Qudus iyo Falastiiniyiinta oo gubey calamada Mareykanka iyo Israel
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kumanaan shacabka muslimiinta reer Falastiin ayaa bilaabay bannaan baxyo looga soo horjeedo go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Qudus waxaa lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo ku qeylinayo ereyo ka dhan ah siyaasadda Mareykanka,sidoo kale dadkani waxaa ay dabqabadsiiyeen sawirka madaxweyne Donald Trump taasi oo muujinaysa sida ay uga soo horjeedaan in Uhuudda loo gacan geliyo magaalada Barakaysan ee Qudus.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Guud ahaan waxaa Albaabada u laaban goobaha ganacsi,Iskuulada iyo xafiisyada shaqo, si dadku ay uga dhiidhiyaan qadiyadda magaalada Qudus,dibadbaxayaasha, ayaa wadooyinka ku gubay taayeero, sidoo kalena waxay dab qabadsiiyeen calamada Mareykanka, Israel iyo weliba sawirada Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Uhuudda,taasi oo ku dareensiinaysa heerkja ay taagan yihiin shacabka reer Falastiin.

Wadamada Caalamka islaamka ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa caro xoogan oo ka dhalatay go’aanka madaxweyne Donald Trump,uu Qudus ugu gacan gelinayo Uhuudda,waxaana la filayaa in banana baxyo ballaaran ay ka dhacaan wadamada Muslimiinta.

Hoggaamiyaasha wadamada Islaamka ayaa lafilayaa in go’aano ay ka soo saaraan arrimahaasi,iyadoomadaxweynaha Dalka Turkiga Ordugan uu shir deg deg ah isugu yeeray madaxda dallaka Islaamka,si ay uga falceliyaan talaabada Madaxweyne Donald Trump.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maxaad ka taqaanaa Taariikhda fog ee magaalada Barakeysan ee Qudus?

Next Post
Maxaad ka taqaanaa Taariikhda fog ee magaalada Barakeysan ee Qudus?

Maxaad ka taqaanaa Taariikhda fog ee magaalada Barakeysan ee Qudus?

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In