yaa u maqan Caruurta Derbi Jiifka ah waa Warbixin gaar ah oo aan ku eegeenno xarruntii carruurta agoomaha ee ku tillay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Xarruntan ayaa waxa ay daryeel iyo waxbarasho siin jirtay carruur badan oo agoomo ah ama kuwa dib jirka ahaa ee qoysaskooda ka soo dhuuntay si mustaqbal loogu dhiso.
Dowladdii horre ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa si weyn isaga xil saartay xanaaneynta carruurta agoomaha si ay mustaqbalka ay u noqdaan dad wax tara dalka iyo dadka.
Qaar badan oo ka mid ah Carruurtii agoomaha ee ku jiray xarruntan Afgooye ayaa noqday kuwa ka dhex muuqday bulshada oo illaa heer ay mas’uuliyiin ka noqday dalkeenna.
Ma ahan carruurta lagu daryeeli jiray xarrunta kuwa agoomaha ee xitaa waxaa la soo aruurin jiray carruurta dib jirka ah ee ka saaqida nolasha kuwaasoo haddii bulshada lagu fasaxo noqonaya kuwa dadka dhibka iyagana dhib isa soo gaarsiiyo, si looga hortago dhibaatooyinkaas ayaa carruurta darbi jiifka la keeni jiray xarruntan halkaas ayaana lagu siin jiray waxbasho iyo hooy.
Xarruntan ayaa bishii Febraayo sannadkii 1987-dii booqday madaxweynihii horre ee Jabuuti Allaha u naxariisto Xasan Guleed Abtidoon oo isaga iyo wafidga uu hoggaaminayo ay booqasho ku yimaadeen Muqdisho.
Booqashadaas waxaa ku wehlinayey madaxweynaha Jabuuti madaxweynaha Soomaaliya allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre.
Carruurtii agoonta ee ku jirtay xarruntan ayaa wafdiga labada madaxweyne ku soo dhaweeyay heeso qiiro leh oo ay ka mid tahay heesta jinsiyad Soomaaliyeed baa nahoo jawaabteenna waa mid qura, nabadda waa jecelnahay iyo jihaadkanna waa naqaan jallaafada gumeysiga ma ogglin, annagu waa wadajirnaa iyo erayo kale.
Diinteenna ayaa sidoo kale, noo tilmaameysa daryeelka iyo ka warqabka carruurta waalidkooda ay dhintaan ama ay kala taagan.
Carruurtu waa mustaqbalka dal kasta, sida loo daryeelo ayuu u ekaanayaa dalkaas horumarkiisa sida ay lee yihiin dadka daryeella carruurta.
Haddaba, wixii ka dambeeyay 1991-dii waxaa dalka uu lugaha la galay dagaallo sokoyee, waxaa burburay dhammaan hey’addihii bulshada loogu adeegayey waxaana ka mid ah xarruntii agoonta ee Afgooye.
Waxaa kaloo kordhay carruurta agoomaha ama waalidkooda waayey haba ugu badnaadan kuwa waalidkooda ay ku dhinteen dagaalladii ka dhacay dalkeenna.
Dad badan ayaa aaminsan in carruurta agoomaha ay kordheen maadama waalidiin badan ay ku dhinteen dagaalladii ka dhacay dalkeenna.
Si kastaba, dhowrkii sanno ee la soo dhaafay waxaa soo hagaayey xaaladda dalka waxaana muuqda rajo iyo ifafaalo xasilloon.
Waxaa kaloo abuurmay xarrumo daryeela carruurta agoomaha ama kuwa danta, xarrumaha ayaa carruurta agoomaha lagu siiyaa waxbarasho billaash iyo cunto si nolashooda loo dabboolo.
Lama hayo tirakoob sax ah oo ku aadan carruurta agoomaha ee ku nool dalkeenna balse waxaa xaqiiq ah in ay jiraan carruur badan oo agoomo ah kuwaasoo u baahan daryeel iyo waxbarasho si mustaqbalkooda loo dhiso iyaguna ay u noqdaan berri kuwa wax tarta bulshadooda iyo dalkooda.
Intaas ayaa ku soo gabagabeeneynaa warbixintii gaarka ah ee aan ugu hadleynay xarruntii agoomaha ee Afgooye iyo burburkii kaddib oo xarrumo badan ay ka furmeen dalka kuwaasoo buuxiyey booskii xarruntii agoomaha ee Afgooye.
Hada ayaa Dhalinyaro Iskooda isku xilqaamay waxaa ay Degmooyinka Gobolka Banaadir ka bilaabeen Shaqo Howleed ay kugu kuurgalayaan Xaaladda Nolaleed ee ay ku nool yihiin Caruurta loo yaqaano Derbi Jiifka iyadoona ay Xusid mudan tahay in ay jiraan Caruur badan oo ay indhahaagu qabanayaan markaad marayso Wadooyinka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Xaruumaha kale ee Dalka.
Halkaan hoose ka Daawo Sawirada Caruurta:
Qorayaal: Baashi Ali Haashi iyo MaxamedKaafi Ali Muumin