Munaasabadaan lagu xusayay Dhalashada Nabigeena Muxamad Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug waxaana kasoo qeyb galay Culumo awdiinka Magaalada,madaxda sare ee Gobalka Mudug,kan Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda Mudug ee Gaalkacyo.
Culumo awdiinka iyo Mashaa’iqda munaasabadaan kasoo qeyb galay ayaa ka sheekeeyay muhiimada ay leedaya Xuska iyo weyneeynta 12 Bisha Mowdiin oo ah markii koonka la keenay Nabigeena Muxamed Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee.
Dhanka ka kale Suldaan C/naasir Jaamac Seed iyo Gudoomiyaha Gobalka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan, Duqa Caasimadda Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Bare ayaa ku amaanay bulshada Reer Gaalkayo ee Galmudug Doorka ay ka qaateen weyneenta Munaasabadaan 12 Mowliid iyagoona ka dalbaday qeybaha bulshada Magaalada Gaalkacyo inay ka shaqeeyaan Ilaalinta Nabadda Gobalka Mudug iyo kala dambaynta.
Sanad kasta 12 Bisha Mowliid ayaa Dunida gaar ahaan Wadamada Islaamka laga Xusaa laga weyneeyaa Dhalashada Nabigeena Muxamed waxaana ka mid ah Wadamada sida weyn looga Xuso Soomaaliya oo bulshadeedu 100% Islaam yihiin.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฆm๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐๐ ๐๐๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐๐ง๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐ข๐๐๐๐ฅ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...































