Munaasabadaan lagu xusayay Dhalashada Nabigeena Muxamad Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug waxaana kasoo qeyb galay Culumo awdiinka Magaalada,madaxda sare ee Gobalka Mudug,kan Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda Mudug ee Gaalkacyo.
Culumo awdiinka iyo Mashaa’iqda munaasabadaan kasoo qeyb galay ayaa ka sheekeeyay muhiimada ay leedaya Xuska iyo weyneeynta 12 Bisha Mowdiin oo ah markii koonka la keenay Nabigeena Muxamed Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee.
Dhanka ka kale Suldaan C/naasir Jaamac Seed iyo Gudoomiyaha Gobalka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan, Duqa Caasimadda Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Bare ayaa ku amaanay bulshada Reer Gaalkayo ee Galmudug Doorka ay ka qaateen weyneenta Munaasabadaan 12 Mowliid iyagoona ka dalbaday qeybaha bulshada Magaalada Gaalkacyo inay ka shaqeeyaan Ilaalinta Nabadda Gobalka Mudug iyo kala dambaynta.
Sanad kasta 12 Bisha Mowliid ayaa Dunida gaar ahaan Wadamada Islaamka laga Xusaa laga weyneeyaa Dhalashada Nabigeena Muxamed waxaana ka mid ah Wadamada sida weyn looga Xuso Soomaaliya oo bulshadeedu 100% Islaam yihiin.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐ ๐ฎ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฐ๐๐ซ๐๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...































