Munaasabadaan lagu sagootinaayay Ardaydaan ka baxday Dugsiga Xirfadaha Gacanta iyo Tabbarada ee Mudug Technical,Vocational and Educational Training ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Nabadaynta Soomaaliyeed ahna Caasimadda Gobalka Mudug ee Bartamaha Dalka Hooyo.
Ardayda Maanta qalin jabisay Maxadka ayaa gaarayay 300 oo Ruux kuwaas oo bartay Maadooyinka Computer-ka, Korontada, English.ka iyo makaanignimada waxaana Xafladda ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Gaalkayo,Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Madaxda Haayadaha SOSDA IYO DARYEEL oo bixiya Mashruuca Waxbarashada ee Ardaydaan ka qalin jabiyeen,Waalidiin iyo marti sharaf kale.
Madaxda SOSDA IYO DARYEEL ayaa Munaasabadda ka sheegay inay ka go,an tahay u shaqeynta bulshada iyo Dalka kana shaqeyn doonaan u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Waxbarashada jecel.
Maayarka Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Bare iyo Agaasimaha Waxbarashada Gobalka Mudug ee wasaaradda Waxbashada Maamulka Galmudug Axmed Jaamac Aadan ayaa kaga mahad celiyay Mas’uuliyiinta SOSDA IYO DARYEEL dadaalada ay ugu jiraan kor uqaadista kobaca garaadka bulshada iyagoona kula dardaarmay Ardayda Maanta Xafladda loo qabtay inay Aqoontooda oga faa’ideeyaan Dalka.
Haayadaha SOSDA IYO DARYEEL ayaa ka shaqeeya arrimaha Waxbarashada Dalka iyadoo Ardaydii ka baxayna ay yihiin kuwo iminka shaqeeya Xaruumaha loogu adeego bulshada kuwaas o maareeya nolasha qoysaskooda ahna kuwa ka dhexmuuqda qeybaha kale.
Sawir Qaade: Wariye Baashi Ali Hashi