Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRADA : Bilicda iyo Dib u Dhiska Magaalada Baydhobo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 20, 2016
in Wararka
0
DAAWO SAWIRADA : Bilicda iyo Dib u Dhiska Magaalada Baydhobo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baydhabo waa xarunta gobalka Baay, Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxa ay u jirtaa qiyaastii 250Km, waxa ayna kaga beegantahay dhinaca Koofur Galbeed.

Beydhabo, ayaa hadda Xarun K.M.G u ah dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ee uu Madaxweynaha u yahay Mudane Shariif Xasan Sh Aadan, oo ah Hoggaamiye jecel in hormariyo dib u dhiska iyo hormarka deegaanada Koofur Galbeed ee uu mas’uulka ka yahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Magaalada Baydhabo, waxa ay kamid tahay Magaalooyinka ugu Faca Weyn dalka Soomaaliya, Magac ahaan dadka Soomaaliyeed waxa ay ku hal qabsadaan ”Baydhabo Janaay” waxayna safka hore uga jirtaa magaalooyinka ugu dadka dadan Soomaaliya.

Baydhaba Janaay, waxa ay maanta ka soo kabaneysaa burbur xooggan oo ka soo gaaray dagaal kala duwan oo ay soo martay, waxaana ka hana qaaday maamul ay soo dhisteen dadka deegaanka oo ka tashaday aayahooda.

Qurbe-joog, Ganacsato iyo Muwaadiniinta ku nool Magaalada Baydhabo ayaa billaabay in ay dib u dhis iyo maalgashi ku sammeystaan magaalada, waxaana ku soo kordhay dhismeyaal casri ah iyo daaro dhaadheer oo marka aad sheedda kore ka eegto bilicdeedu aad kuu soo jiidaneyso.

Maamulka Degmada ayaa dhankiisa ku howlan dib u dhiska waddooyinka iyo soo celinta adeegyadii dantaguud, iyadoo dib u hagaajin ballaaran lagu sammeeyay jidad burbursan ee magaalada dhexmara, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka magaalada.

Ganacisga Magaalada ayaa ah mid aad u soo kordhaya, waxaana magaaladu leedahay Suuq ganacsi oo aad u mashquul badan.

Waxbarashada ayaa magaalada Beydhabo kala siman magaalooyinka dalka, waxaan ku yaalla Dugsiyada Aas Aasiga ah iyo Jaamacado kala duwan oo Subax iyo galab Waxbarashu ka socoto halkaas oo sanad walba kasoo hana qaadaan Kumanaan Arday ah.

Adeegyada Caafimaadka ayaa isna ah mid aad u wanaagsan kana tayo badan sidii uu ahaa muddo ka hor, waxaa shaqeeya Cisbitaalka Guud ee Magaalada Baydhabo,iyadoo uu Socda dhismaha Cisbitaal Casri ah oo dhawaan la dhagax dhigay, kaas oo ay maalgalineyso dowladda Masar, waxaana taas u sii dheer magaalada goobo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay.

Ammaanka oo ah midka waxkasta ugu muhiimsan ayaa magaalada Baydhabo waxaad moodaa in uu aad u soo wanaagsanaanayo, waxaa ka howlgala Ciidamada Booliska gaar ah kuwaas oo Afar iyo labaatan Saac heegan ugu jira sugidda nabadgalyada magaalada.

Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya, ayaa ahmiyadda Koowaad Siisay sugidda nabadgayada magaalada Baydhabo iyo deegaanada uu ka koobanyahay Maamulka Koofur Galbeed, waxaana la qoray askar cusub oo ka shqeysa Ammaanka, kuwaas oo nabadgalyo iyo daganaansho ku soo kordhiyay magaalada Baydhabo.

Tallaabadii u dambeysay ee sida weyn indhaha bulshada Soomaaliyeed u soo jiidatay ayaa aheyd Markii Ciidamada Ammaanka Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Goof-gaduud, halkaas oo ay isaga bexeen Ciidamada AMISOM oo Saldhig muhiim ah ku lahaa.

Maamulka Gobalka, kan dagmada beydhaba iyo saraakiisha Ciidamada Ammaanka Koofur Galbeed oo la hadlay dadweynaha deegaankaasi ayaa u ballan qaaday in ay diyaar u yihiin la wareegista deegaan walba oo ay ciidamada AMISOM ka baxaan, dadweynaha looga baahanyahay in ay ciidankooda garabsiiyaan.

Cadawga kaliya ee dadka ku nool magaalada Baydhabo ay leeyiiin cadawga diidan nolosha iyo dagganaanshaha Dalka Soomaaliya ee Al-shabaab, waxaan dadka magaalada Baydhabo ay aaminsanyihiin in haddii bulshadu ay isku duubnaato ay ka adkaanayaan in ay ku soo dhex dhuuntaan.

W/D.Ismaaciil Mukhtaar Cumar

Tifaftiraha SONNA.

[email protected]

24689101112131517181920212324262829303132IMG_7422indexSawir Qaade: Siraaji Sh Isxaaq

Previous Post

AMISOM oo sheegtay in la baarayo odayaashii lagu laayay Wardiinle

Next Post

Cayaartooyada Benaadir iyo Puntland oo bar bar dhac wada galay “SAWIRRO”

Next Post
Cayaartooyada Benaadir iyo Puntland oo bar bar dhac wada galay “SAWIRRO”

Cayaartooyada Benaadir iyo Puntland oo bar bar dhac wada galay “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In